Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 239 muhaajiriin ah oo la rumaysan yahay in ay ka yimaadeen galbeedka Afrika ay ku dhinteen xeebaha Liibiya kadib markii laba doonyood oo ay la socdeen ay dageen.
Hay’adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in koox muhaajiriin ah oo ay ku jiraan 20 dumar ah iyo 6 carruur ah ay dooni yar ka raaceen xeebaha Liibiya Arbacadii, balse ay doonidaasi saacaddo kadib badda kula dagtay.
Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha gurmadka markii ay halkaasi gaadheen, inta badan kooxdaasi ay baddu liqday, waxaana la helay maydka 12 qof, oo ay ku jiraan saddex caruur ah. 27 qof ayaa la sheegayaa in ay shilkaasi ka bad-baadeen.
Shil kalena, laba haween ah ayaa bad-baaday markii dooni ay iyaduna isla wakhtigaasi badda ku dagtay. Doonidaasi yar waxaa saarnaa 130 qof.
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in 4kun 220 qof ay sannadkan badda Mediterranean-ka ku dhinteen, iyadoo sannadkii horena ay isla baddaasi ku dhinteen 3777 qof.