Qaramada Midoobay oo cunna qabateyn ku soo rogaysa Waqooyiga Kuuriya

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa si wada jir ah waxa ay u cambaareeyeen dawladda Waqooyiga Kuuriya oo tijaabisay gantaaladada riddada dheer.

War-murtiyeed qoraal ah oo ay soo saareen ka dib kulan degdeg ah oo iskugu yimaadeen xaruntooda New York, waxa uu Goluhu sheegay in cunaqabateyn dhaqso u dhaqan gasha lagu soo rogo Waqooyiga Kuuriya.

Waxaa xukuumadda Pyongyang lagu eedeeyay inay wado halis iyo qalalaaso aad u xun. Bishii koowaad ee sannadkan ayaa waxay tijaabisay afar gantaal oo nugliyeer ah.

Dawladda Pyongyang waxa ay sheegtay in tijabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

Safiirka Kuuriyada Koofureedย  u fadhiya Qaramada Midoobay Oh Joon ayaa sheegay in wakhtigan a joogo xiligii goโ€™aan laga gaadhi lahaa sidii loo joojin lahaa talaabooyinka militari ee Waqooyiga Kuuriya wado.

Sidoo kale Safiirka Jabaan u fadhiya Qaramad Midoobay Motohide Yoshikawa, waxa uu dhankiisa tilmaamay in ay waajib tahay in la badalo xidhiidhka la leeyahay Waqooyiga Kuuriya.

Sannadka bilaabmay ayaa waxa Kuuriyada Waqooyi waxay qaaday talaabooyin hor oo ay ku tijaabinayso nugliyeerkeeda, inkastoo ay cambaareyn xoogani kaga imamayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

bandhige@gmail.com