Qoyska Rajiv Gandhi oo Haatan Ku Wada Biiray Baarlamaanka Hindiya

Priyanka Gandhi, oo la dhalatay hogaamiyaha mucaaradka India Rahul Gandhi, ayaa lagu wadaa inay u tartanto doorashadeedii ugu horeysay, taas oo soo afjareysa tobanaan sano oo ay sugayeen taageerayaasheeda.

Ms Gandhi waxay ka soo jeeddaa qoyska Nehru-Gandhi, oo ah qoyska ku caan ah siyaasadda Hindiya. Awoowgeed Jawaral Nahru waxa uu ahaa halgame xoriyada Hindiya qayb ka soo qaatay, wuxuuna noqday Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey ee Hindiya, Ayeydeed Indira Gandhi iyaduna waxay saddex jeer oo kala duwan ayey noqotay Ra’iisal wasaaraha Hindiya 1960, 1977 iyo 1980.

. 52-jirkan ayaa ku tartami doona kursiga Wyanad ee gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ka dib markii walaalkeed uu ka tanaasulay. Kulankeeda ugu horreeya ee doorashadana si dhow isha loogu hayn doonaa. Guul ay gaadho Ms Gandhi waxay la macno tahay in dhammaan saddexda xubnood ee qoyska Gandhi ay ku wada jiraan baarlamaanka Hindiya.

Hooyadeed Sonia Gandhi, gudoomiyihii hore ee xisbiga Congress-ka, waa xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ama Rajya Sabha.

Walaalkeed Mr Gandhi ayaa ku guuleystay doorashadii baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday labada kursi ee Wayanad iyo Uttar Pradesh ee Rae Bareli.

Mr Gandhi, oo Wayanad u matalay xildhibaan ahaan tan iyo 2019, ayaa ka tanaasulaya maadaama uu sii hayn karo hal kursi oo baarlamaani ah oo kaliya marka loo eego sharciga Hindiya. Maalintii Isniinta ayuu shacabka Wayaanad uga mahad celiyay jacaylka, kalgacalka iyo taageerada ay u muujiyeen.

Taariikhda doorashada ku celiska ah ayaa wali la shaacin laakiin Ms Gandhi waxay sheegtay in aanay “Werwer ku hayn”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan matalo Wayanad mana u ogolaan doono inay dareemaan maqnaanshihiisa [Rahul Gandhi],” ayay tidhi Isniintii. “Si adag ayaan u shaqayn doonaa, waxaana isku dayi doonaa in aan qof walba ka farxiyo oo aan noqdo wakiil wanaagsan”.

Doorashada ku celiska ah ayaa soo afjari doonta sugitaan muddo tobanaan sano ah ay taageerayaasha Congress-ka ka sugayeen ku lug lahaanshaha Ms Gandhi ee siyaasadda doorashada.

Saxafiga Javed Ansari, oo tobanaan sano wax ka soo tabinayay xisbiga Congress-ka, ayaa BBC Hindi u sheegay in aanu la yaabin ku dhawaaqista.

“Waxay ila tahay su’aashu waxay ahayd goorma ayey tartami doontaa , laakiin may ahayn hadii ay tartanto,” ayuu yidhi.

Muddo sanado ah, Ms Gandhi waxaa loo tixgeliyey inay tahay midda caanka ah ee walaalaha Gandhi iyada oo qaar badan ay ku eedaynayaan “hoggaanka caajiska ah” ee walaalkeed guuldarrooyinka isdaba jooga ah ee Congress-ka intii u dhaxaysay 2014 iyo 2019.

Laga soo bilaabo yaraanteedii, dadku waxay tilmaamayeen in Ms Gandhi ay u eg tahay ayeeydeed oo ahayd ra’iisul wasaarihii hore ee Indira Gandhi.

Gelida rasmiga ah ee Ms Gandhi ee siyaasadda ayaa timid markii loo dhiibay mas’uulka ololaha Congress-ka ee qaybta bari ee gobolka Uttar Pradesh, ka hor doorashada guud ee 2019.

Koongarasku wuxuu sii waday inuu si liito doorashadaas iyo codbixintii golaha gobolka ee 2022, laakiin Ms Gandhi laguma eedeyn. Hogaamiyayaasha sarsare ee xisbiyada ayaa sheegay in waxqabadku aanu ahayn mid ka turjumaya shaqadeeda oo waafaqsan waxa ay filayaan.

Hogaamiyayaasha Congress-ka iyo shaqaalaha Kerala ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin suurtagalnimada in Ms Gandhi ay noqoto xildhibaan laga soo doorto Wayanad.

ND Ayappan, oo ah gudoomiyaha guddida xisbiga ee degmada ayaa yidhi : “Waxay muujinaysaa in qoysku sii wadi doono xidhiidhka uu la leeyahay dadka Wayaanad.”

Xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa dhaleeceeyay siyaasada qori isu dhiibka ah iyaga oo ka jawaabaya wararka ku saabsan doorashada Ms Gandhi.

“Koongarasku ma aha xisbi ee waa ganacsi qoys,” hogaamiyaha BJP Shehzad Poonawalla ayaa yidhi.

Balse ku dhawaaqista musharaxnimadeeda ayaa amaan ka heshay Annie Raja oo ka tirsan xisbiga shuuciga ee India (CPI) oo Mr Gandhi kula tartantay Wayanad doorashadii dhawaan dhacday. Ms Raja, oo doorashada looga adkaaday codad ka badan 360,000, ma aanay xaqiijin in ay kula tartami doonto Ms Gandhi doorashada ku celiska ah.

Laakiin waxay tidhi, “Waxaan u baahanahay haween badan oo baarlamaanka ku jira.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com