Maraykanka ayaa ku baaqay in la qaboojiyo weerarka xudduudaha ee u dhexeeya Israaโiil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan, xilli ay Xisbullah ku hanjabtay in uu dagaal qarxayo.
Ergayga gaarka ah ee Maraykanka Amos Hochstein ayaa baaq ka jeediyay Beirut iyada oo weerarada ay sii kordhayaan labada dhinac ee xadka.
Israaโiil iyo Xisbullah ayaa billaabay inay rasaas isweydaarsadaan 8-dii Oktoobar, maalin kaddib markii Xamaas ay weerar culus ku qaadday Koonfurta Israaโiil.
Weeraradii u dambeeyay, oo uu ku jiro weerarkii Sakaasadii ay Xisbullah ku qaadeen taangi ay leeyihiin Israaโiil, ayaa dhacay ka dib weerar ay Israaโiil ku dishay taliye sare oo ka tirsan Xisbullah todobaadkii hore.
Ururka Xisbullah oo ay Iran taageerto oo xulafo la ah kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay in ay joojinayaan oo kaliya weerarada hadii ay xabad joojin ka dhacdo dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee Gaza.
Hogaamiyaha Hezbollah Hassan Nasrallah ayaa sheegay in uu rajaynayo in la soo afjaro colaada balse uu diyaar u yahay in uu horay u socdo hadii Raโiisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ku adkeysto dagaal.
โWaxaan rajeyneynaa in dagaalku uu istaago daqiiqad kasta, laakiin haddii Netanyahu uu ku adkeysto dagaalka, wuxuu u qaadi doonaa maamulka Sionist masiibo wuxuuna u qaadi doonaa dagaalka ka soo horjeeda guul weyn oo taariikhi ah oo lagu faani karo.โ
Afhayeen u hadlay IDF Daniel Hagari ayaa sheegay in Xisbullah ay halis gelineyso Lubnaan iyaga oo isku dayaya inay gaashaan u noqdaan Xamaas.
โXisbullah gardarada sii kordhaysa waxay ina keenaysaa qarka u saaran waxa noqon kara fidno ballaadhan, mid cawaaqib xun ku yeelan karta Lubnaan iyo gobolka oo dhan,โ ayuu yidhi Hagari.
Ergeyga gaarka ah Hochstein ayaa ku booriyay Xamaas inay aqbasho heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku taageerayo, isaga oo sheegay inay sidoo kale gacan ka geysan doonaan dejinta xiisadda ka taagan xudduudda koonfurta Lubnaan.
Hochstein wuxuu sheegay in xabbad joojin ama xal diblumaasiyadeed oo lagu hakiyo colaadda Israaโiil iyo Xisbullah ay tahay โdegdeg.โ
Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad โโ473 qof oo ku sugan Lubnaan, oo ay ku jiraan 94 rayid ah, la dilay tan iyo 8-dii October. Saraakiisha Israaโiil ayaa sheegay in ugu yaraan 26 ay ku dhinteen Israaโiil colaadda awgeed, kuwaas oo 11 ka mid ah la sheegay in ay ahaayeen rayid.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com