Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Saraar oo soo Gaba-gabaysay Tartan Ciyaared ka socda Degmaday Caynaba

Caynaba (Dawan) Isuโ€™duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saraar, Xuseen Axmed Cawad, ayaa soo gaba-gabeeyay tartan ciyaareed kooxaha heerka labaad uga soconayay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar.

Tartan ciyaareedkaas waxa fulinayay waaxda xidhiidhka kubada cagta ee gobolka Saraar, ayaa waxa tartanka ku guulaysatay Kooxdii ku ciyaareysay magaca wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ee gobolka Saraar.

Guddoomiyaha waaxda xidhiidhka kubada cagta ee gobolka Saraar Caydaruus Maxamed Axmed, waxaanu sheegay in ujeedada tartankan ay u qabteen ay si dhallinyarada loogu sameeyo isdhexgal, isla markaana looga ilaaliyo isticmaalka Maandooriyayaasha kala duwan, maadama wakhtigii iskuuladu fasaxa ahaayeen, waxaanu xusay in tartanka ay isugu soo baxeen labada Kooxood ee Waaxool iyo waxbarashada, guushuna raacday kooxda ku ciyaareysay bahda wasaaradda waxbarashada ee gobolka Saraar.

Isuโ€™duwaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka Saraar, Xuseen Axmed Cawad, ayaa sheegay in tartankani uu ahaa mid mihiim u ah dhallinyarada ku nool magaalada Caynabo, waxaanu xusay in ay qorshahoodu ahaa sidii ay uga mashquulin lahaayeen Balwadaha iyo Maandooriyayaasha, waxa uu intaas raaciyay in degaanada Wadamaโ€™go iyo Oogna laga qaban doono tartankan oo kale, waxa uu hoos ka xariiqay in sida Kooxaha A-da oo kale lix kooxood oo isku dhafani ay ka soo baxaan,

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com