Raashin loo qaybiyey qaxooti Yemeniyiin ah iyo dad danyar ah

Wasaaradda Dib-U-Dejinta  waxa ay raashin u qaybisay 1050 qoys oo isugu jira dad ka soo qaxay dagaallada ka socda Yemen oo ku sugan Somaliland iyo qoysas danyar ah oo reer Hargeysa ah fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan darteed.

Sida ay Wasaaraddu tibaaxday 145 qoys oo ka mid ah dadka raashinkan nasiibsaday waa qaxooti halka ay 905 qoys ee kalena yihiin dad sabool ah.

Qaybintan raashinka waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dib-U-Dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiir-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Wasiir-Xigeenka Maamulka Gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare.

Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dib-U-Dejinta oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi:

“Waxan filaynaa in ay dalka soo gaadhaan dad kale oo ka soo cararay dagaallada ka socda Yemen, waajib ayeyna nagu tahay in la caawiyo qaxootiga.”

Wasiirku wuxu sheegay in xukuumaddu ay filayso in kumanaan qof oo dheeraad ah oo qaxooti ahi ay dalka soo gaadhaan, cid kasta oo wax tartaana ay ajar iyo xasanaad ka heli doonto.

Wasiir-Xigeenka Maamulka Gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare iyo Wasiir-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo iyaguna halkaas ayaa sheegay in dadkani helaan caawimadan wakhti ay u baahnaayeen. Sidoo kale waxa ay sheegeen in tani muujinayso sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay wax taraan qaxootiga iyo danyarta.

Gunaanadkii munaasibadda waxa ka hadlay dad ka mid ah kuwii raashinka loogu deeqay waxayna si weyn uga mahad-celiyeen deeqdan raashinka ah.

bandhige@gmail.com