Rag hubaysan ayaa waxa dad ku laayeen Mandheera

Rag hubeysan ayaa xalay magaalada Mandera ee woqooyi bari Kiiniya ku qaaday weerar, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dableydan weerarka geysatay ayaa bartilmaameed ka dhigatay guri ay deggan yihiin dad aan Soomaali ahayn oo ka soo jeeda gobollada kale ee isla dalka Kiiniya.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey cisbitaalka magaaladda, si halkaasi loogu soo daweeyo.

Ciidanka dawladda Kiiniya ayaa saaka magaaladda ka billaabay howgallo, waxaana gebi ahaanba xidhan goobaha ganacsida.

Weriye magaaladaasi ka hawlgala ayaa BBC-da u sheegay in xitaa masaajidda ku yaala badhtamaha magaalada aanan saaka lagu tukan salaadda subax.

Lama hubo cidda weerarkan ka dambaysay, balse booliska Kiiniya ayaa weerarkan ku eedeeyay Al-Shabaab.

Muddo sannado ah magaalada Mandheera iyo duleedkeedaba waxaa ka dhacayay weerarro ay Al-shabaab geysanyeen.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan dalka Kiiniya tan iyo inta ciidamada Kiiniya ay ka tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sanno haatan laga joogo.

bandhige@gmail.com