Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Kiiniya ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa

Iyadoo uu weli Madaxweynaha Somaliland badhtanka kaga jiro booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay Jamhuuriyadda Kiiniya, ayaa xalay waxa casho sharaf-ku maamuusay Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Kiiniya Raila Odinga, oo lagu yaqaan in uu yahay siyaasi ka garaaba qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigiisu waxa la sheegayaa in ay fursad qaali ah u heleen warbaahinta maxalliga ah ee Kiiniya iyo warbaahinta caalamiga ah oo kuwooda ugu muhiisani ay saldhigyo ku leeyihiin Nayroobi.
Qoraalkan hoose iyo sawirrada waxa baahisay Madaxtooyada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb-galay Munaasibad casho sharaf ahayd oo Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Mudane Raila Odinga uu u sameeyay waftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii saddexaad ku sugan dalkaasi iyo Jaaliyadda Reer Somaliland ee halkaa ku dhan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad celiyay Mudane Raila Odinga iyo Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru kenyatta sida niyad-samida leh ee ay u muujiyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.
                    Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390