Raysal-wasaaraha Itoobiya wuxu isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Raysal-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiiradda kadib mudaaharaadyo siyaasadeed oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaraddaha maaliyadda iyo arrimaha dibedda.

Barta ay dawladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiiradda.

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dawladdu ay uga gol leedahay in ay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sannadkii la soo dhaafay.

Dadweynaha ku sugan Addis Ababa ayaa sheegeya in xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhaw yihiin Raysal-wasaaraha aan loo arki doonin tallaabo yaab leh maadaama uu yahay musharrax u tartamayo hoggaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

bandhige@gmail.com