Raysal-wasaaraha Itoobiya wuxu sheegay in aanu dalkiisu aqoonsanay qadiyadda madax-banaanida Somaliland

 

Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, ayaa beeniyay in ay dawladiisu aqoonsanayso qaddiyadda madaxbanaanida, waxaanu hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay wada qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khamiistii.

Sida uu qoray wargeyska The Reporter, ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Raysalwasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay, in dawladdiisu ay xushmaynayso “Midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.”, waxaanu hadalkan ka yidhi ka dib markii uu su’aal ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu raysalwasaaraha weydiiyay weriye la socday weftiga Madaxweynaha Somaliya, waxaanu Raysalwasaaruhu meesha ka saaray in uu jiro ku talogal ah ay dawladdiisu ku aqoonsanayso Somaliland.

Raysal-wasaaraha Itoobiya, wuxuu yidhi:

“Itoobiya, weligeedba xidhiidh rasmi ah lamay yeelan Somaliland. Xidhiidhka aanu la samaynaynaa waxa uu mar kastaba ahaa mid ogolaanshiyihiisa aanu ka qaadanno dawladda Federaalka ah ee Muqdisho.”

Waxa kale oo uu Raysal-wasaaraha Itoobiya sheegay in Itoobiya diyaar u tahay in ay taageerto Soomaaliya si ay ugu guulaysato sugidda ammaanka, iyadoo Itoobiya ka mid ah ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka socda.

Farmaajo ayaa qodobada ugu muhiimsan ee uu la tagay Addis Ababa waxa ugu weynaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ah mid dhinacyo badan, kaas oo uu doonayo in uu ugu yaraan wiiqo, mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay daandaansiga diblomaasiyadeed ee Farmaajo.

Xigasho: Geeska Afrika.

bandhige@gmail.com