Ruushka wuu ka baxay heshiiskii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada

 

Madaxweynaha Ruushka ayaa xalay saxeexay digreeto uu dalkaasi kaga baxayo Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah ee loo yaqaan “ICC.” Go’aanka madaxweynaha ayaa lagu daabacay bogga uu Aqalka Ruushka looga taliyo ee Kremlin-ku leeyahay internetka waxaana lagu sheegay in Ruushka ka hayaamay heshiiskii uu saxeexay sannadkii 2000 ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.

Ruushka ayaa sheegay in uu sidan u yeelay danaha dalka iyo dadka Ruushka darteed. Go’aanka Madaxweyne Putin ayaa imanaya kadib markii shalay ay ICC soo saartay warbixin ay aad ugu dhaliilayso sida uu Ruushku ula dhaqmay qaar ka mid ah dadyowga deggan gobolka Crimea oo uu Ruushku dhawaan ku darsaday dalkiisa, gaar ahaan qabiilka Tatars.

Cilaaqaadka Ruushka iyo reer-galbeedka ayaa beryihii ugu dambeeyey sii xumaanayey waxaanay u eg tahay in uu marba marka ka dambaysa sii murgayo.

Maxkamaddan ayaa cabashooyinka laga qabaa isa soo tarayeen baryihii ugu dambeeyey iyadoo tiraba dhawr jeer ay qaramada Afrika cabasho ka muujiyeen kuna tilmaameen mid lagu cadhsanayo hoggaamiyeyaasha Afrika iyagoo ku hanjabay in ay ka bixi doonaan laakiin kama ay bixin.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com