Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah, wuxuuna diray baaq abaareed

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay isagoo oo bulshada caalamka u diray baaq abaareed.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa dhinacooga iyaguna soo bandhigay hawlaha ay ka qabteen dhinaca abaaraha iyo weliba waxa u qorshaysan toddobaadyada iyo bilaha soo socda.

siilaanyo-abaaraha3 siilaanyo-abaaraha2 abaaraha-siilaanyo4

Waxa shirkan madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada Qorshaynta, Macdahanta, Beeraha, Deegaanka iyo Warfaafinta. Waxa sidoo kale goob-joog ahaa Agaasimaha Hay’adda Gurmadka iyo Ka-hortagga Masiibooyinka ee magaceeda loo soo gaabiyo NERAD, Maxamed Muuse Diiriye.

Waxa iyaguna madasha ku sugnaa Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo uu horkacayey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil.

Gobollada bari ee Somaliland waxa saamaysay abaar aad u daran oo laysay xoolo aad u fara badan isla markaana ay dadku halis ugu jiraan in ay naftooda ku waayaan.

Dhinacyadii shirka ka qayb-galay waxay isku raaceen in la xoojiyo hannaanka loo xidhiidhinayo loona hagayo gurmadka abaaraha si loo hubiyo in qaabka ugu habboon loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa abaartan ku macnaysay tii ugu darnayd ee soo marta Somaliland iyagoo masuuliyiintu iska daba mareen in ay xataa ka daran tahay abaarihii caanka ahaa ee ay Dabo-dheer ugu dambaysay.

Warqaddan hoose ka akhri baaqa uu madaxweynuhu u jeediyey bulshada caalamka.

drought-declaration-appeal-161116

Bandhige News

Bandhige@gmail.com