U gurmo dadka abaartu hayso lacag, kharash la’aan (WQ: Rooda Maxamed)

quraanAllah ayaa mahad oo dhan iska leh, isaga ayey u sugnaatay qani-nimo dhamaanteed, siga ayaa kaaftoon oon adoon waxba uga baahnayn,  kaalmo iyo danbidhaaf ayeynu ka dalbaynaa ALLAAH koree oo xumo ka hufnaaye.

Abaar, nimco la’aan:

Abaar waay noocyo badan tahee taan u jeedno waa Daaq la’an, Biyo la’an, Baad la’an oo keenta Duunyo la’an sababtana Gaajo iyo Macaluul.

Inta aynan taas gelin bal aan dib u yar milicsano cida wax ku noqon karta la’anshaha faraha badan een soo tilmaanay, Aadamuhu waa matala yaasha dunidan aan kor joogno waxii ka soo hadha ee nimco ahna iyaga ayaa tasarufkeeda Allah koreeye gacanta u geliyey, waxana la baray dariiqo kasta oo ay ku isticmaali karaan dhib la’an waxana loo fududeeyey farsamooyinka oo dhan si ay ugu noolaadaan barwaaqo.

Kala qaybsananta sanadka iyo isdaba wareega afarta wakhti ee Gu, Xagaa, Dayr, iyo Jilal waa gudoonsii iyo xisaab xidhka isticmaalka nimcooyinka aan kor ku soo xusnay. Gu iyo Dayr waa wakhti nimcaysan oo barwaaqaysan lakin xisaabtooda waxa la xidhaa Jiilal iyo Xagaa, waxaanay ukala adeg yihiin sida nimcada labada hore u kala badan tahay. Midkasta oo ka mid ah kuwan wixii qaladaad ah eed gashay/mad madowga soo galay qaamuuskii isticmaalka ee laguu jeexay waxay saamayn ku leedahay Gu-ga ama Dayrta ku xigta wakhti xisaabeedkaga.

Maxaa sababa qaladaadka qaamuuska nolosha ee laguu jeexay?

Sida aan ka war qabno dunidan aan ku nool nahay waxaynu u joognaa ujeedo, wax muran ahi kama jiro in aad ku jirto Imtixaan is daba socda oo joogto ah, laguma dulmiyin hadii lagu siiyey qaamuus cad ood ka dheehan karto dhamaan qadhaadhka, macaanka, adayga, jileeca,  Culayska iyo fudaydka ku soo wajaha.

Sidoo kale toosnan kastaa waxay leedahay abaal marin  nimcooyin ah, xumaan kastaana waxay leedahay abaal marinta dhibaatooyin ah. Taa badelkeeda dhibaato kasta waxay leedahay  fudayd ka danbeeya lakiin shardi ayaa ku xidhan!. Waa halka aan u socdee bal aan iswaydiino Su’aalo kooban:-

  • Aniga oo Shaqsi/qofkaliya ka ah danbiga aan galay Nimco la’an ma sababi karaa?
  • Dawladda wadanka ka talisaa Danbi ay gashay Cadho Alle ma keeni kartaa?
  • Sako aynan bixin Roob la’an ma keeni kartaa?
  • Xumaha oo layska reebi waayaa nimco yari makeeni kartaa?

Akhriste jawaabaha adiga ayaan kuu dhaafay ku noqo qaamuuskii nolosha eed haysatay ka dibna la soo bax oo ku qanci naftaada si billaa muran ah.

quraan-2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadlan ugu hiili toobad keen dhaba oo Allaah swt aan u noqono si dadkeena iyo dalkeenu abaaraha uga baxaan. Adigu naftaada ka bilow ka dibna gaadhsii dadka kugu xeeran. Gurmadkaagu ha noqdo ka ugu qiimaha badan ee loogu soo naxariisto ummadda.

Waynida Rabi ayaan ku dhaartee waxba ma deeqsiin karno Khalqigan imtixaanan illaa aynu rabi u celino arinta.

Haa!.. Salaad waan tukanay lakin intaas maku filan tahay?

 

Rooda Maxamed