Muwaadinka iyo ajaanibka keebaa xaq-mudan (WQ: Cabdimajiid Iid Aadan “Dhinbiil”)

Waa su’aale horta yaa xaq mudan labadan? Ma qofka muwaadinkaa xaq mudan mise ninka ajaanibka ah ee dalka aan u dhalan?

Waxa shalay magaaladan aynu joogno ee hargaysa lagu xidhay wiil dhalin yaro ah oo ka shaqo gala wasaarada qaabilsan gaadiidka qaybta baadhitaanka cashuuraha gaadiidka, kaasoo Sabbata loo xidhayna ay ahayd mid aan sharci cad loo marin, xaq darrona uu xadhigiisa yahay waliba, kudarsoo  welibana keligii maaha cida la xidhay  ee askar ayaa xitaa la xidhnayd.

Hadddaba arrintu iyada oo halkaa maraysa ayaa warkale oo isoo gaadhay ayaa isna wuxuu sheeegayay in askartii la sii daayay oo wiilkaa dhalinyarada ahi keligii ku xidhan-yahay jeelka.

Waxase aanan garanayn ilaa iyo haatan Sababata keentay in nin ajaanib ahi inta uu qoladiisa (wakiilkiisa) la hadlo yidhaahdo waxaa iyo waxaa ayaa lanoo geystay ee wax kaqabta, isla xogaa kabacdina inta ninkii ajaanibka ahaa wakiilkiisi uu amar soo bixiyaysi in wadankiisa jooga iyo sida dhibta yar leh ee ay  dawladduna ugu fulinayso ee loogu soo xidhay muwaadiniita.

Weli ma is weydiinay sharcigeenu muxuu qorayaa , yuu se xaqa ugu badan siinaya ma muwaadinka mise ajinabiga, goor may se iman kartaa xaaladda noocan ahi, yaa se masuuliyaddeeda qaadi kara , wadanka se yaa u taliya?

Su’aalahaas oo dhamiba waa kuwa ay mudantahay in lays weydiiyo lagana falceliyo se yaa ka falcelinaya su’aashu waa taas?

Akhriste waxan kusheegayay in sharciga aynu wadano aanay waxba ka jirin marka xaqiiqda laga hadlo ee aan indhaha lays tirayn. 

Dhammaad

 

Waxa qorey: Cabdimajiid Iid Aadan “Dhinbiil”

e-mail: Cabdimajiidiid@gmail.com