Tan iyo Markii uu bishii hore ku biirey xisbiga Waddani hoggaamiyye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaaย uu ku dhaqaaqay tallaabooyin waaweyn oo ay ka mid tahayย inย xisbigaasi qaado waddo cusub, ka dib markii uu toddobaadkani horaantiisii bilaabay hawlgal loogu gurmanayo dadka abaaruhu tabaaleeyeen ee deegaamada bariga Somaliland.
Wefti uu horkacayo Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddaniย ahna Gudoomiyaha xisbiga iyo Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa ay markii ugu horeysay caawimo ku wareejiyeen guddida abaaraha ee gobolka Togdheer, isla-markaana waxay socod ay ugu kuurgalayaan arrintaasi ku soo mareen deegaamada ay u soo guureen dadkii abaaruhu saameeyeenย ee Hawdka gobolka Togdheer, gaar ahaana degmooyinka Qoryaale, Duruqsi, Qori-Lugud iyo meelo kale badan oo ku teedsan Hawdka gobolka Togdheer.
Wkhqtiyadii hore xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumaddu way kala socon jireen ha yeeshee waqtigani waxay xisbiga Wadani ku dhaqaaqeen talaabo aad loogu baahnaa. โSi loo beddelo jewiga ah in muran ma dhalays ah iyo is-eedayn iyo difaac, waxaanu goosanay in aanu ku wareejino caawimadii aanu ka soo ururinay xubnaha xisbiga Guddida abaaraha, kuwaasi oo qaybin doonaโ Sidaa waxa yidhi Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan oo ka hadlayay sababta ay ugu wareejiyeen guddida abaaraha gobolka.
Intaasi oo keli ah maaha, balse waxa ay hoggaamiyayaasha Waddani iskood u qaybiyeen raashin bisil oo ay la gaadhayeen dadka abaaruhu tabaaleeyeen. โWaxa kale oo aanu qaybinay timir, roodhi, biyo iyo kalluun, si dadka tabaalaysani ay ugu yaraan u helaan raashin deg-deg ahโ ayuu yidhi Xirsi.
Haddaba marka la eego talaabooyinkan cusub ee uu ku dhaqaaqay xisbiga Waddani waxaa ay waddanka Somaliland u horseedaysaa in lagu tartamo sidii dadka loogu adeegi lahaa. โWaxa aanu doonaynaa in lagu tartamo sidii dadka loogu adeegi lahaa, isla-markaana ay xisbiyadda siyaasiyaddu la yimaaddaan tabo iyo xeelado dadka loogu adeego, halkii ay markii hore iska cambaarayn jireenโ ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Xirsi.
Waxay ahayd 12-13-kii maalintii iyo habeenkiiba markii ay weftiga Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) safar ay xaaladda abaarta ku soo eegayeen, isla-markaana ay raashinka ku qaybinayeen ay ku soo mareen deegaamada Qoryaale, War-Cimbraan, Shanshancade, Dan-Dan, Coodanle, Qori-lugud, Bali-Khayr (Bali-dhiig), Bilcile, Duruqsi, ilaa ay kaga soo laabteen magaalada Burco habeen badhkii.
Muddada ay socdeen waxay qaybiyeen raashinka cunada deg-deg ah ee ay ka mid yihiin timirta, kalluunka qasaacadaysan, biyaha caagadaha, iyo furin iyo weliba booyado biyo ah oo ay meelaha qaarkood ay geeyeen.
Haddii ay talaabooyinka noocan oo kale ahi sii socdaan waxay furaysaa in lagu tartamo danta muwaadiniinta taasina waxay horseedi doontaa horumarkii markii Xirsi dawladda ku jireyna uu ku hawlanaa ee ay ka mid tahay waddada Ceerigaabo.
Sidaasi darteed waxaa la odhan karaa waddo cusub ayay hoggaamiyayaasha Waddani u jeexeen siyaasadda tartanka axsaabta Somaliland.
Ilyaas Cabdi Cali.
Hargeysa/Somaliland