Raysal-wasaaraha Japan ayaa noqon doona hoggaamiyihii u horreeyay ee ajnabi ah ee la kulma Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump.
Shinzo Abe ayaa sheegay in uu doonayo in uu dhiso “is aaminaad” uuna kala shaqeeyo sidii adduunku u noqon lahaa mid xasiloon, kahor inta uusan dhammaanin safarkiisan.
Kulankan magaalada New York ayaa imanaya iyada oo bartanka lagaga jiro walaaca ku aadan saaxiibka ugu wayn ee ee siyaasadda arrimaha dibedda ee Tokyo.
Trump ayaa sheegay in dawladda Japan looga baahan yahay in ay bixiso lacag dheeraad ah haddii ay doonayso in ciidammada Maraykanku ay sii joogaan dalkooda.