Ruushka ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha uga yimid sirdoonka Maraykanka ee ku saabsanaa in ay fara-gelin ku sameeyeen doorashadi madaxtinimo ee Maraykanka ka dhacday ee uu ku guuleystay Donald Trump.
Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Ruushka ay amreen in la jabsado kombiyuutarada xisbiga dimoqraadiga, kadibna la faafiyo sirtooda intii uu socday ololaha doorashada Maraykanku.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in Ruushaka ay doonayeen in Donald Trump u ku guuleysto doorashada.
Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweyne Vladimir Putin ayaa eedeymaha kaga yimid dhinaca Mareykanka ku tilmaamay “kuwo aanan sal iyo raad laheyn oo ay si caadifad leh u diyaarisay hey’ad heer sare ah”.
Hadalkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee kasoo baxa aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin-ka, tan iyo markii ay madaxda sirdoonka Maraykanku Jimcihi hore sheegeen in ay si weyn ugu kalsoon yihiin in madaxweynaha Ruushka uu shakhsiyan isaga amray in la fara-geliyo doorashadii madaxtinimo ee dhammaadkii sannadkii hore ka dhacday dalkan Maraykanka.