Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin ka bixiyay ka dib markii Ruushku uu duqayn xagga cirka ah ku dilay saddex askari oo ka mid ah ciidammada Turkiga oo ku sugnaa guddaha Suuriya, sida uu Turkigu sheegay.
Ciimmada ayaa taageero siinayay Jabhaddo Suuriyaan ah dadaal ugu jiray sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada al-Bab oo gacanta ugu jirta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.
Turkiga ayaa ku jira dagaalo ay xuduudaha ka waddaan si ay dib ugu riixaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo dagaalameyaasha Kurdiyiinta ee ka agdhaw Xadka Koonfureed ee Turkiga.
Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera labada dhinac ee isku haya, Ruushka ayaa wakhtiyadan dambe si wadajir ah duqaymo ugu bartilmaameedsada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.