Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa qaabilaad heerkeedu sareeyey maanta ย xafiiskiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hogaaminayey ee xukuumada Somaliland ka tirsanaa, oo maalintii salaasadii martiqaad rasmi ah ay ka heleen socdaal ku tegay dalkaa.
Kulankan Raysal-wasaaraha Itoobiya Desalegn iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ย ee maanta oo Safiir-xigeenka safaarada Jamhuuriyada Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad Diiriye u xaqiijiyey tifatiraha ย shabakada Somalilandspan, Maxamuud Cali Walaaleeye, ayuu raaciyey in ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo dhammaan xubnahii wefdiga Somaliland ee socdaalka ku joogay dalka Itoobiya, halka dhinaca Itoobiyana ku wehelinayeen Raysal-wasaare Desalegn wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa.
Kulanka oo saacado badan qaatay, isla markaana labada dhinac kaga wada xaajoonayeen xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya labada waddan.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kulankaasi waxaanu idiinku soo gudbin doonnaa wararka dambe.