Saddexdayada Xisbi Qaran Waxaanu ku Heshiisney inay inoo Dhacdo Doorasho cadawgeenu ku jabo” Guddoomiye Faysal

Hargeysa (Dawan) Xisbiyada siyaasadda Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shir saddex geesood ah ku yeeshay magaalada Hargeysa, waxaana kulan lagu falanqeeyey arrimaha u diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidii dhammaan daneeyayaashu isku aragti uga noqon lahaayeen hawlaha socda iyo waxyaabaha qabyada ah ee u baahan la dhammeystiro.

Shirkan waxa ka qaybgalay inta badan hoggaanka, madaxda iyo masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga dalka, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Ku-xigeennada xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la wadaagey qodobadii ay kawada hadleen ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen, in meel looga soowada jeesto danta Qaranka, in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, in wixii khilaaf ah ee soo baxana aan warbaahinta la isu marin.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu ku heshiinay in aanu meel uga soowada jeesano danta guud ee Qaranka, in doorasho nadiif ahi noo dhacdo, oo aanu hareeraha iska taagno, wixii khilaafe soo baxana aan laysu marin warbaahinta ee la isu yimaado oo guddi joogta ahi jirto, oo wixii kolba la arko ay guddidaasi kawada hadasho, la joojiyo aflagaadada iyo wixii xanaf keenaya, iyo wixii bulshadeena kala kaxaynaya.

Marka bulshada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxa aanu u sheegayna in shuushkii baxay, maanta gacmaha la isqabsaday, doorasho wanaagsan oo khayrlihi haddii ALLE yidhaahdo ay inoo dhici doonto, oo cadawgeenu ku jabo, cadawgeenana meel uga soowada jeesan doono, gacmahana la isqabsado,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com