Wasaarada Arrimaha dibedda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in safaarad sharci-darro ah ugu shaqeyn jiray dalka Ghana, kuna bixin jirtay fiise-dal-ku-galka Maraykanka sharci-darro ah, la xidhay.
Sida lagu shaaciyey qoraal Wasaarada Arrimaha dibedda Maraykanku ku baahisay boggeeda ayaa lagu sheegay in Caasimada dalka Ghana ee Accra, Ghana, ku yaalay dhisme calanka Marayku sudhan yahay, gudahana sawirka Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, iyoย muuqaal tilmaamaya inaad joogto safaraada Maraykanka ee Ghaana, laakiin sharci-darro ugu shaqeynaysay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inaanay xukuumada Maraykanku lahayn, laakiin, kooxo dembiilayaal Ghaana iyo Turkey u dhashay kaga shaqeysan jireen arrimaha socdaalka iyo sharciyada. Saraakiisha socdaalku waxay ahaayeen dad u dhashay Turkey oo luuqada Af Ingiriiska ku hadla. Caasimada Accra, ayaa sida lagu baahiyey mareegtaย Somaliland Monitor, ku shaqeysa goob amaan ah oo magaalada ah.
Dhismaha safaarada sharci-daradda ayuu ka furnaa dukaan dharka iibiya, halka qeyb kalena loo adeegsan jiray samaynta baasaboorada iyo fiiseyaasha beenta ah ee Maraykanka.
Ciidamada amaanka Ghaana ayaa weli ku daba jira raacdada rag la sheegay inay ku shaqeynsan jireen dhismaha, oo Ghaana iyo Turkiga u dhashay.
โMuddo toban sannadood ayey si madaxbanaan u shaqeysanayeen, dadka hawsha waday ayaa fursad u helay inay laaluush siiyaan saraakiisha ku shaqada lahaa, waxaanay heli jireen waraaqo madhan oo sharci ah, si ay been-abuur ugu bixiyaan,โ ayaa lagu sheegay qoraalka wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka.