Safiirka Dawlada Jabuuti U Fadhiya Jsl Oo Qado Sharaf U Sameeyey Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga Iyo Warfaafinta

Safiirka Dawlada Jabuuti U Fadhiya Amb ย Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa maanta hadhimo sharafeed u sameeyey madaxda wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Warfaafinta Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateey (Fariid) Iyo Mudane Maxamed Muuse Diiriye, Hadhimo sharafeedkani oo ka dhacday Hotel Laalays ee magaalada Hargeysa.

Ujeedada Qado sharaftani ayaa ahayd mid uu safiirku ku maamuusay wasiirada cusub ee wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Warfaafinta oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u magacaabay.