Safiirka Faransiisku waxa uu ku eedeeeyey in ay baarlamaanka in ay gabeen doorkoodii raadinta ictiraafka

Cali Ismaaciil Xasan, Safiirka xukuumada Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska ayaa ku dhaliilay, isla markaana sheegay inay shaqadoodii tahay Golaha Wakiiladu, balse ay ka gaabiyeen kaalintii ay ka qaadan lahaayeen dardargelinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Cali Ismaaciil oo wareysi dhinacyo badan leh ย mareegta Somalilandspan kula yeelatay khadka Telefoonka, isagoo ku sugan caasimada Paris, ee Faransiiska ayaa sheegay in shirkado caalami ah xiisaynayaan maalgashiga kheyraadka baddaha Somaliland.

Suโ€™aalo kala duwan oo wareysiga lagula yeeshay iyo jawaabahii uu ka bixiyey aya au dhacay sidan:

โ€œXafiiska Somaliland ee Faransiisku, waxaana la furay sannadkii 2007-kii, xilligaa ilaa maantana hawlaha uu qabanayey xafiisku way badnaayeen, wakhtiyaa na soo maray aanu ictiraafka Somaliland helitaankiisa meel ku koobsanay, haddana, siyaasadu wax meel taagan maahee, isbedelaa dhaca labada dhinacba. Ma yara waxqabadka xafiisku, waxaanu soo qabanqaabinay imaatinka afar booqasho oo madaxweynayaal Somaliland ku yimaadeen Faransiiska, AHN marxuum Maxamed X Ibraahim Cigaal, Madaxweynahii hore Md. Daahir R. Kaahin, iyo Madaxweynaha xilligan Axmed Maxamed Maxamuud ย Siilanyo, waad ka dareemi kartaa dal booqashooyin heer madaxweyne intaas oo jeer tageen soo dhoweynta iyo kalgacalka uu inoo hayo. Xidhiidhka xafiiska safaarada iyo xukuumada faransiisku aad ayuu u wanaagsan yahay, inkastoo aynaan ka haleelin hawlahii qadiyadda Ictiraafka Somaliland.โ€

Mar la weydiiyey xidhiidhka u dhexeeya xukuumada faransiiska iyo xafiiska Somaliland iyo sidday u arkaan qadiyadda madaxbanaanida waxuu yidhi:

โ€œArrinkaa waxay la wadaagaan mowqifka wadamadda kale, oo shardi inooga dhigay in wadamada Afrika ku horeeyaan. Annigu waan aaminsanahay sida faransiiska in aqoonsigeena ka raadino wadamada Afrika, isla markaana Faransiisku waa dal inoo fududeyn kara galangal aynu qadiyadeena uga helo wadamada Afrika, maadama uu saaxiib la yahay wadammo badan oo Afrika ah. Sidoo kale caalamka waxa ugu horeeya ee qadiyadeena iibgeyn kara annigu waxaan u arka inay tahay shirkada aduunka xidhiidh inoo samayn karta oo soo saarista manaafacaadka kheyraadkeena kula heshiino.โ€

Shirkadaha aad soo qaaday, hore waxa jirtay shirkada Bollore oo Faransiis ah, muddo badana xiisaynaysay maalgelin ay ku samayso dekeda Berbera, balse nasiib aan u yeelan, ma jiraan culaysyo arrinkaasi kaga keenay dannahii Somaliland kaga xidhnaa Faransiiska, oo la weydiiyey ayuu yidhi:

โ€œWalaahi way ku soo kordhin kartaa, kolay caqabado dib u yara rakaadinayey horusocodkii xafiiska way keentay,ย  saamayn way ku leedahay, laakiin, xilligan waxaan ku jiraa wakhtigii la yidhi โ€˜Duufaan xagaa waa laga foorarsadaaโ€™, inkastoo dedaalkii xafiiska iyo shaqooyinkiisi aanu isbedelin, haddana waxyaalo badan ayaan dareemayaa, oo wasaaradii aan la shaqeynayey waa Arrimaha Dibedda, wax iska bedelay ma jiraan, laakiin dad badan oon ku xidhna markaan indha-indheeyo waan ka dareemaa, waddan walba iyo siyaasad walba hab loo raaco ayey leedahay.โ€

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska, mar la weydiiyey dedaalo loogu jiray dardargelinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, waxa dhinacooda ka qabsoomay. Isagoo raaciyey:

โ€œLondon iyo Paris isku mid ah, London dadkeenu qarniyo badan ayey soo degenaayeen, kuna soo dhaqmayeen, halka Paris aanay sidaa ahayn, markaa bulsho laga raadiyo qadiyadda ictiraafka Somaliland ma joogto Paris, inkastoo haddana dedaalo la geliyo u baahan tahay kuna jirno. Ictiraafka Somaliland dariiqyo badan ayaa loo mari karaa, isda Guddiga heer Qaran ee la sameeyey iyo madaxda Wasaarada Arrimaha Dibedda, haddana, annigu meesha aan dhaliisha saarayo, ee kaalintii ay ka qaadan lahayd ka gaabisay waa golaha wakiilada, xukuumadu kaalinteedii way wadaa. Ictifaarka inay raadiyaan waxay shaqadooda tahay, kaalintoodiina ka gaabiyey, kuna dhaliilayo waa goleyaasha Baarlamaanka. Baarlamaanku iyagaa raadsan kara baarlamaanada dhigooda, kuwa Afrika, Carabta, Yurub ama kuwa wadamada, maaha inay shaqoodu ku ekaato dawladii sidan ayey tidhi, iyo sidaa.

Sannadkii 2009, waxaan dalka keenay guddiga isku-dhafan ee Baarlamaanka faransiiska, ee saaxiibada Afrika, gudoomiyahoodii ayaan keenay, hadday ku xidhmaan oo isfaham dhexmaro guddiyada baarlamaanada caalamka, iyagaa cid walba kaga haboon ka midho-dhalinta qadiyadda ictiraafka Somaliland. annigu dhaliisha halkaa ayaan saarayaa. Waxa xidhiidh dambe oo shirgudoonka wakiiladu la yeesheen ma jirto wefdigii Baarlamaanka faransiiska oo heshiis isfaham dhexmaray, xilligan weli fursadaa way u furan tahay golaha baarlamaanka, hadday gudanayaan waajibaadka ka saaran.โ€

Mar la weydiiyey faaโ€™iidooyinka uga soo baxay Somaliland, shir caalami ah oo lagaga hadlayey kheyraadka badda oo safiir Cali sannadkii 12aad xidhiidh ah kaga qeybgalay dalka Faransiiska ayuu yidhi:

โ€œFaaโ€™iidada baniโ€™aadamku badda ayey ku dhan tahay, hadaan tusaale ku siiyo 300 mitir biyaha badda marka hoos loo gaadho, waa biyaha caafimaad ahaan loo siin karo ilmaha dhashay, sannadkan waxa shirka furay madaxweynaha Faransiiska, taasoo nasiib wanaag ii noqotay anigoo Somaliland metelaya ayaan ka qeybgalay shirka kheyraadka baddaha, iskuna gacanqaaday Madaxweynahii Faransiiska.

Waxaan ka jeediyey muhiimada badda Somaliland oo dhererkeedu yahay sideed boqol iyo konton kilo mitir ย oo ka caagan mushkiladaha budhcadbadeedka, taasoo dad badan iyo shirkado si wey u xiiseeyeen maalgashi ay ku samaystaan, waxaanay shirado badan ii balanqaadeen markaan sharaxaada ka jeediyey shirka, hadii nidaam ganacsi furfuran leedahay Somaliland, inay xafiisyo ka furan doonaan Somaliland. sannadkan dambena waxay igu martiqaadeen inaan ka soo qeybgeliyo shirka madaxda Somaliland gaar ahaan wasaarada kaluumaysiga iyo gaar ahaan shirkadaha kaluumaysiga Somaliland.โ€

bandhige@gmail.com