Safiirka Maraykanka u fadhiya Kiiniya wuxu booqday Gaarisa

 

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kiiniya Robert F. Godec ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kiiniya.

Danjire Robert F. Godec iyo badhasaabka Gaasrisa Nadiif Jaamac ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha qaxootiga xerada Dhadhaab ee dalka Kiiniya.

Waxa uu difaacay go’aanka madaxweyne Trump oo ku mamnuucay dadka qaxoontiga Soomaalida ay ku jiraan ee tagaya dalka Maraykanka, inkasta oo xaakim uu arrintaas imika hakiyey.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay islamarkaana soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo haysta dhalashada dalka Maraykanka.

bandhige@gmail.com