Saynisyahanno ka dayriyey hoos-u-dhac ku yimid xawada ragga waddamada galbeedka

 

Saynisyahanno caalami ah ayaa wax laga werwero ku tilmaamay hoos-u-dhac kala badh ka badan oo ku yimid xawada ama ugxanta ragga ku nool Waqooyiga Ameerika, Galbeedka Yurub, Australia, New Zealand iyo Brazil.

Warbixinta oo laga sii daayey telefishanka CNN isla markaana lagu daabacay internetka waxay daraasaddu is barbar dhigtay tirada ugxanta ku jirta manida ragga ku nool waddamadaa ee sannadihii toddobaataanaadkii ilaa 2011kii, muddo ku siman afartan sanno.

Daraasaddu waxay muujisay in sannad walba ay xawada raggu celcelis ahaan hoos u dhacaysay 1.4% marka la isku geeyana ay hoos u dhacday 59% taas oo macnaheedu yahay in aqlabiyadda ragga waddamadaa ku nool tirada xawadoodu haatan qarka u saaran tahay 40 milyan oo ah halka ugu hoosaysa ee ninku ku dhali karo. Waxay sidoo kale sheegeen in cufnaanta iyo tayada xawadu ay hoos u dhacday.

Dr. Hagai Levine oo Madaxay u ahaa Cilmi-baadheyaasha warbixintan soo saaray ayaa sheegay in baadhitaano cilmi ah ay ku sameeyeen 42,000 oo nin oo ku kala nool 50  waddan.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in haatanba ay galbeedka ku badatay ragga oo aan dhakhso u calool-qaadaiin karin haweenka lana filayo in xaaladdu ka sii darto marba marka ka dambaysa.

Cilmi-baadheyaasha daraasaddan isku bahaystay waxay sheegeen in baadhitaankoodu ku koobnaa hoos u dhaca ku yimid xawada ragga laakiin ay ka shakisan yihiin in sababta ugu weyni tahay kiimikada ku badatay waddamada reer-galbeedka oo saamayn ku yeelatay dheecaanada taranka ee ragga.

Cilmi-baadheyaashu waxay sheegeen in noocyada kimikada badankoodu Xagaa marka lagu daro ta cayayaanka lagu buufiyo ay sababaan yaraanta xawada. Waxay sidoo kale sheegeen in sigaarka badan, naaxista ama cayilka ay iyaguna sababaan tirada ugxanta ragga oo hoos u dhaca.

Daraasaddani waxay sheegtay in ragga ku nool Aasiya iyo Afrika aanay iyaga waxba iska beddelin caafimaadka tarankooda marka la eego afartankii sanno ee ugu dambeeyey.

Cigasho: CNN