Xukuumadda Maraykanka ayaa shariikad ka ganacsata qalabka iyo tiknoolajiga bay’oolojiga u fasaxday in saynisyahannadeedu 200 qof oo dhintay ay isku dayi karaan in ay soo nooleeyaan.
Saynisyahannadani waxay adeegsan doonaan qalab elektaroonic ah iyo maaddada la yidhaa “amino acid” iyo qalabyo kale oo ay yidhaahdeen waxa lagu guulaysteen in ay cariyaan maskaxda dadk koomo ku jiray kadibna ka soo noqday.
Saynisyahan ayaa sheegay in ay marka koowaad awoodda saari doonaan qaybaha maskaxda ee qaabilsan neefsashada iyo garaaca wadnaha, haddii ah wax horumar ah arkaana ay u gudbi doonaan qaybaha kale.
“Hadda ayuun baanu oggolaanshaha ka helnay dawladda. Waxanu raadsanaynaa 20 mayd annaga oo la xidhiidhi doona qoysaskoodii si aan u hubino in aanay arrinkan diin ahaan uga soo horjeedin” ayay yidhaahdeen saynis-yahannadu.
Mashruucan oo loogu magac-daray “The ReAnima Project” ayaa sidoo kale wuxu oggolaansho ka helay Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya.
Saynisyahannadani waxay sheegeen in ay rajaynayaan in ay natiijo ku gaadhaan dhawr bilood gudahood.
Il-wareed: The Telegraph