Ciidamada Senegal ayaa sheegay in milatariga galbeedka Afrika ay talaabo ka qaadi doonaan Gambia haddii aan Madaxweyne Yahya Jammeh uusan aqbalin in uu xukunka ku wareejiyo Madaxweynaha ku guulaystay doorashadii bishii hore.
Afhayeenka milatariga ayaa sheegay in ciidamada Senegal ay yimaadeen xudduuda Gambia.
Nayjeeriya ayaa u soo dirtay diyaarado goobta oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka. Senegal ayaa waydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay ansixiso urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, in ay qaadaan talaabo lagu hubinayo sidii xukunka loo wareejin lahaa dalka Gambia.
Jammeh ayaa diiday in uu xukunka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay ee Adama Barrow oo hadda jooga Senegal.
Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa waddanka laga soo bixiyay iyagoo lagu soo qaaday diyaarado khaas ah.