Shacabka reer Somalilad ee ku dhaqan Muqdisho waxay Siilaanyo ka codsadeen diyaarad lagu daad gureeyo, kadib markii qaar ka mid ah lala beegsaday dilal qorshaysan

 

Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxa cabasho weyn ka muujiyeen dilalka qorsheysan ee lagu kaco dadka soo jeeda Somaliland.

Inta badan Dadweynaha reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay yihiin qaar inta badan lagu siro in ay Soomaali weyn jirto, taasi oo dadka reer Somaliland ka calool go’een.

Gadooga dadkan ayaa waxa sababay kadib markii Marxuun u dhashay Somaliland lagu dilay Muqdisho, kaasi oo aan wali maydkiisa la aasin oo ay ehelkiisii codsadeen in loo dilo ninkii dilka gaystay oo ahaa dirawalkii Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmial.com