Shaqada Dekedda Berbera waxay Maraysaa Halkii ugu Sarreysay.โ€ Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Xukuumada ayaa shaaca ka qaaday in shaqada Dekedda Berbera wakhtigan in ay marayso halkii ugu sarreysay isla markaana aanay jirin wax hoos u dhac ah oo ku yimi shaqadii Dekedda Berbera.

Madaxweyne-xigeenka Jamhuuriyadda Somalilandย  Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shaaca ka qaaday in dhoofka xooluhu sare u kacay marka loo eego sannadkii hore.

Mudane. Saylici iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay magaalada Berbera ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter ku sheegay, โ€œWaxaan booqday dekedda Berbera oo ay maamusho DP World Waxaan kulan la qaatay maamulka sare iyo guddoomiyaha maamulka dekedda.

Madaxweyne-xigeenka ayaa fariintiisa raaciyey in dhoofka xooluhu sare u kacay, isagoo yidhi, โ€œWaxa la ii sheegay in dhoofka xooluhu uu kordhay 10% marka loo eego sannadkii hore, isla markaana ay hadda dekeddu si buuxda u socoto.โ€

bandhige@gmail.com