Shiinaha ayaa ka cadhooday wada-hadal dhanka taleefoonka ah oo dhex maray Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Taiwan.
Dalka Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka mid ah dal weynaha Shiinaha balse gooni isu taagay.
Xidhiidhka tooska ah ee Trump uu la yeeshay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa waxa uu jebiyay siyaasad soo jireen ahayd oo dhanka diblomaasiyadda ah oo Maraykanka kula dhaqmi jiray Taiwan.
Shiinaha ayaa durbaba cabasho toos ah u gudbiyay xukuumadda Washington, taa oo ay uga ashkatoonayso wada-hadalka uu Trump la yeeshay Madaxweynaha Taiwan. Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa wicitaanka Trump ku tilmaamay khiyaano aan micno sameynayn oo ay Taiwan waddo.
Waxa uu intaasi ku daray in aragtida Shiinaha ee ah midnimada dalkaasi ay dan ugu jirto xidhiidhka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in ay soo wacday Madaxweyne Tsai Ing-wen.
Wada-hadalka dhex maray Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hoggaamiyeyaal ajnabi ah, hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaasi ay wax lug ah ku lahayd wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.
Maraykanka ayaa xidhiiidhka diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sannadkii 1979.