Shiinaha ayaa mamnuucis gadhka iyo xijaabka ah ku soo rogay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo Islaamiyiinta xagjirka ah.
Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gadh aan caadi ahayn ay daystaan, xijaabka oo lagu xidho goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga.
Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo.
Sannadihii u dambeeyey ayaa waxa gobolkaas ka dhacay dagaallo uu dhiig ku daatay.
Xukuumadda Shiinaha ayaa rabshadaha ku eedeysay mintidiin islaamiyiin ah iyo gooni-u-goosato.
Laakinse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in deganaansho la’aanta ay keeneen siyaasado cabbudhin ku dhisan, kuwaasoo ku jiiday xagjirnimo qaar ka mid ah dadka Uighurs.
Xannibaadyo adag ayaa horeba uga jiray Xinjiang. Wakaaladda Reuters ayaa sheegaysa in shuruucda cusub ay sidoo kale mamnuucayaan:
Shuruucdu waxay kale oo sheegayaan in shaqaalaha ka shaqeeya goobaha dadweynaha sida saldhigyada iyo garoomada dayaaradaha looga baahan yahay in ay ka hor joogsadaan kuwa gabi ahaanba qariya jidhkooda oo wajiguna ku jiro in ay soo galaan, ayna u gudbiyaan booliska.
Xayiraadaha waxa ansixiyey sharci-dejiyeyaasha Xinjiang, waxaana lagu soo qoray barta internetka ee gobolka.
Maamulayaasha Shiinuhu waxay horeba ugu soo rogeen tallaabooyin uu ka mid yahay in aan dadka Uighurs la siinin baasaboor.