Shirka beelaha direed ee Adis Ababa ku qabsoomey halkuu ku danbeeyey?

 

Sida ay nu lawada socono qarnigii sagaal iyo tobnaad ayaa ay gumaystayaashii reer ย Yurub dhulka ay soomaalidu degto ay u qaybiyeen shan qaybood.

Dhulka maantaย  loo yaqaano kilika 5aad waxa sadex jeer oo kala duwan lagu wareejiya dawladaย  itoobiya iyada oon wax talo iyo tashiya aan lagala yeelan soomaalidaa la wareejinaya, soomaaldaasina dhibaatooyin iyo tacadiyo fara badan ayaa kala kulmayeen dawoladii lagu wareejiya oo ay ugu darayd 27 tan kii sano ee la soo dhaafay .

Hadaba itoobiya isbadal baa ka dhacay waxa jira manta fur furnaansho dhinac waliba ah

Siyaad bara iyo mingisti xayla maryam labadoodaba waxa xukunka kawada tuuray jabhado midba midkale uu ku hubaynayay, dhaliilkasta oo jirta waan ognahay itoobiya halka ay marayso .

Jumhuuriyadii soomaaliya intii la isku odhan jiray wax dawlad ah oo wax tarlehi kama jiro, sobobgtuna waxa weeyi dhaqanka tolwadaagta iyo abtirsiinta iyo jufada iyo jilibka ku dhisan, arimahani iyo dawlad nimadu waa labo aan is qabanayn halaagu qaybsada 4.5 iyo wax yaabo la mid aha oon dhaamin waan xanuunka soomaalida halhaa ay manta taalo dhigay .

Itoobiya waa boqol malyan oo qomiyado kala ah qowmiyad walibana waxa ay halgan iyo xusul duub ugu jirtaa sidii ay xaqeeda iyo xuquuqdeed u soo ridan lahayd.

Waxaa nasiib daro ah iyo wax laga yaq-yaqsoodo in dad dhahaan Adiis baan beelaha Direedย  shir ugu qabanaynaa, war inta aad shir abtirsiinyo ku salaysan aad qabanaysaan miyaad midnimada qowmiyada soomaaliyeed ka shaqaysaan , hadii aan idhaahdo aniga adigu iguma jirtid, hadii aan nidhaahno anaga oo reer hebel ah intii kaleย  naguma jirtotaan

Waxa taa ka sii daran in shrkaasi ay tageen dad ka tagay deegaananada jumhuuriyadii soomaaliya oo dhamaantood qaba xanuunka qo-qobka qabyaalada faquuqa qaybsanaanta,waa dad in badan siyaasada dilaal ka soo ahaa oo ka macaashay oo lafahooda mooyee cid kale aan dan kalahayn.

Soomaalida kililka 5 aad ku nooli manta waxa ay u baahan yihiin midnimo isku duubni, waxa ay u baahan yihiin cid isku soo ururisa oo midaysa uma baahna cid ukala abtirisa.

Waa ayaan daro in dad qaybinaya qowmiyada soomaalida shir nuucaas ah ay halkaa ku qabtaan .

Jawaabtoodu waxa ay ahayd dhullkaa aad salaadiinta ka tihiin eed qayb-qaybiseen iska jooga anagana xanuunka hana qabadsiinina

Qofka soomaaliga ah ee itoobiya joogi waxa uu u baahanyahay adeeg hufan, laydh, wadooyin hagaagsan, caafimaad, waxbarasho,garsoor cadaalad ah , ganacsi xor iyo xalaal ah, iyo dhamaan adeegyada qayrkii ay helaan.

Maxaan u ga mid noqonay deegaanada soo koraya?

Maxaan uga mid noqon waynay deegaamada haraw maray ?

Maka helaa xaqeena iyo xuquuqdeena oo dhamaystiran dawlada dhex?

Wixii miisaniyad ah sideedii ma loo isticmaalay?

Nabad galyo iyo amaan ma haysanaa?

Mise bar kac iyo colaadaa dhexdeena iyo jaarka qowmiyadaha kale ah aya jira?

Wax in badan lagu cel celiyaa ilaa iyo 22 isku dhac baan baa jinay

Imisa ayaa soomaali dhexdeeda ah ?

Ilaa imika colaadahaa lama so oaf jarin maxaa lo oaf jari waayay?

Caqabado faraban oo kuwani ka mid yihiin ayaa jira.

Waxaa soo dhana waxa lagaga gudbi karaa mid nimo.

Sida ay manta soomaalidu isku qaybinayso waa ay ka darantahay qarnigii sagaal iyo tobnaad sidii ay gumaystayaashu u qaybiyeen

Ilaa hada inta aan ogahay shirkaas lagu sheegey beelaha direed kama qayb galin hal hogaamiye dhaqameed oo kuwa degan is maamulka Soomaalida ah waxaana isugu kaliyeystey kuwii ka yimid Somaaliland, waxa natiijo ah oo ka soo baxayna ma jirto.

Axmed Aadan Colhaye-Mufakir- Boorama