Shirka Berbera Corridor ee Portugal iyo Fursadaha Mustaqbalka ee Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa door weyn ku yeelatay shirka caalamiga Berbera Corridor ee Porto.

Shirkan oo laba maalmood ka socday magaalada Porto ee dalka Portugal oo lagaga hadlayey muhiimada Dekedda Berbera iyo Marinka Waddooyinka (Corridor) ayaa lagu sheegay in suuqa adduunku had iyo jeer u baahan yahay habab degdeg ah oo jaban oo loo maro gaadhsiinta badeecadaha.

Ganacsiga Geeska Afrika wuxuu ku tiirsan yahay laba dekedood oo badda ku teedsan. Somaliland waxay si gaar ah ugu tiirsan tahay dekedda Berbera. Itoobiya, oo aan bad lahayn  tan iyo markii ay Eritrea xornimada qaadatay 1993, waxay ku tiirsan tahay illaa hadda xidhiidhka Jabuuti.

Addis Ababa waxay doonaysaa inay kordhiso isticmaalka Waddada Berbera Corridor, oo dhererkeedu yahay 937 kilomitir laami ah illaa dekeddan gunta dheer, taas oo Itoobiya loo arko inay haysato 19% shirkadda wadaaga ah ee ka shaqeysa xarunta.

 

Shirka Porto oo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda Prof Jaamac Muuse Jaamac ka qayb galay   ayaa la sheegay in lagaga doodayo arrimaha juquraafiga siyaasadeed iyo taariikheed ee albaabkan muhiimka ah ee Badda Cas.

Prof Jaamac ayaa jeediyay  deraasad la xidhiidha milicsiga siyaasadda, dhaqan-dhaqaalaha bulshada, xuduudaha iyo saamaynta deegaanka ee Berbera Corridor.

Gebagebada shirkan ayaa la sheegay inay ka soo bixi doonaan warbixin lagu soo koobi doono muhiimada Berbera Corridor iyo saamayntiisa mustaqbalka ee Jamahuuriyadda Somaliland dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho.