Waxa maanta oo bishu tahay 7 January 2024 Xafiiska Hargeysa ee Hay’adda Guddida Qandaraasyada Qaranka uga furmay shirka sannadka ee 2024 kaas oo socon doona illaa 8 January 2023.Shirka oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee Hay’adda oo ugu horreeyo Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed, Agaasimaha Guud ee Maxamed Cabdillaahi Caynab, Xubnaha Guddida iyo Agaasimayaasha Waaxaha ee Hay’adda Guddida Qandaraasyada Qaranka.Shirka oo ujeedkiisu daaranaa warbixinta waxqabadka Hay’adda ee sannadkii 2023 iyo dejinta mudnaanaha iyo qorshayaasha horumarineed ee sannadkan Bilowga ah ee 2024 ayaa ugu horreyn waxa furay Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka oo ka waramay mudnaanaha Xafiiska ee sannadka 2024. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Guddida Qandaraasyada Qaranku ay sannadkan u qorsheysan tahay in ay isbedel weyn ku sameeyaan nidaamka qandaraas bixinta qaranka JSL Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu mahadnaqay Agaasimayaasha Waaxaha shaqada muhiimka ee ay Xafiiska u hayaan iyo xogaha waxqabad ee ay soo gudbiyeen kaas oo muhiim u ah habsami u socodka adeeg bixinta Xafiiska.Waxaa is na hadalka ku dheeraaday Agaasimaha Guud ee Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka oo warbixin iyo talo soo jeedin ka sameeyey waxqabadka iyo horumarinta xafiiska ee dhanka qandaraas bixinta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee Xafiisku u hayo qaranka.Waxaa sidoo kale shirka lagaga dhageysatay warbixino dhammaan Agaasimayaasha Waaxaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka kuwaas oo ku dheeraaday Warbixinaha Waaxaha ay masuulka ka yihiin iyo caqabadaha ay soo wajaheen sannadkii tagay.Shirka ayaa sidoo kale lagaga dooday waxqabadkii sannadkii horre kuwaas oo qiimeyn guud la gu sameeyey heerka fulineed iyo caqabadaha macquulka ah ee saameynta ku yeeshay fulitaankooda.
Shirka ayaa sii socon doonna maalinta berri ah waxaa na lagaga doodi doonna dejinta qorshayaasha iyo mudnaanaha sannadka 2023, qabyo-qoraalka habraacayda qandaraas bixinta, dib-u-eegista siyaasada shanta sano ee Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka, hirgelinta nidaamka xaraashka qaranka iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Allaa Mahad Leh