Shirkad aan la garanayn Dawlad iyo Shicib cid iska leh oo uu War Saxaafadeed ku baahiyey Danjiraha Somaliland U Fadhiya Imaaraadka Carabka

 

Wiilkii uu madaxweynihii hore Soddoga u ahaa ee ay bulshadda reer somaliland aadka uga qaylin jirtay ayaa Shirkad uu doonayo inuu ku jaah wareeriyo dadka doonaya inay somaliland maalgashadaan samaystay.

Shirkaddan oo ka mid ah shirkaddo lagu lunsaday hantidii ay bulshadda reer Somaliland lahaayeen oo dakhligii dawladda lagu dhaxal wareejiyey

Shirkaddan oo uu Baashe Cawil ugu magac daray Somaliland Investment Company ayaa waxa uu War-saxaafedeed usoo saaray  ku sheegay in uu ka Diwaan-galiyey Saylad ku taalla suuqa Caalamiga ah ee Dubia magaceeduna yahay (Dubai International Financial Center DIFC), kuna sheegay inay waafaqsan tahay shuruucda ganacsiga ee Boqotooyada Ingiriiska.

Shirkaddan oo uu u samaystay sidii uu reer Somaliland ugu dhici lahaa ayuu ku sheegay War-saxaafadeedkiisa in Shirkaddani indhaha Caalamka  u soo jeedin doonto maalgashiga Somaliland, kana saari doonto caqabadaha hor yaala maalgashiga Somaliland lagu samaysan lahaa, waxaanu intaas ku ladhay in shirkaddu ay u sahli doono hawlaha baniyadda la macaamilkooda iyo maalgashiga gaarka ah iyo ka saami-leydaba.

War-saxaafadeedkan uu soo saaray wiilka uu Soddoga u yahay Madaxweynihii hore oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal ayaa u dhignaa sidan:

“Warsaxaafadeed: Maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2018- waxa sharif weyn u ah dalka iyo dadka reer Somaliland in diiwaangalin sharci ah loo sameeyay Shirkada maalgasgiga Somaliland (Somaliland Investment Company), iyadoo laga diiwaangaliyay Sayladda Suuqa Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center DIFC). Diiwaangalinta oo waafaqsan shuruucda ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska. Shirkadani waxay indhaha caalamka kusoo jeedin doontaa maalgashiga Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay meesha ka sari doontaa caqabadihii horyaallay maalgashiga dalka, isla markaana waxay fududeyn doonta galista heshiisyada maalgashiga iyo ganacsiga ka dhexeeya Somaliland iyo caalamka intiisa kale. Sidoo kale waxay sahli doontaa shirkadani hawlaha bangiyada la macaamilkooda Caalamiga ah, maalgashiga gaarka ah iyo ka saamiyleydaba. Waxaana fududeyn doontaa hawlaha xisaab furashada akoonadda, dekadda Berbera iyo free zone-ba. Waana Illaahay mahadii in ay caqabado badan oo aqoonsi la’aantu keenaysay oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashigu meesha ka bixi doonaan, taasi oo wax weyn ka tari doonta kobaca iyo horumarka dhaqaalaha dalka Jamhuuriyada Somaliland.”

Allaah Mahad leh
Baashe Cawil Cumar
Safiirka Somaliland ee UAE

War-saxaafadeedkaas ka dib waxa uu Wargeyska Hubaal daba gal ku sameeyey sida shirkaddan loo kala leeyahay waxaana agaasimayaal ka ah wasiirka wasaaradda arimaha dibada iyo safiirka Somaliland u qaabilsan dawladda Imaaraadka Carabta waxay u dhigan tahay sidan:

COMPANY INFORMATION

Name: Somaliland Investment Company Limited

Trading Name: Somaliland Investment Company Limited

Status of Registration: Active

Type of License: Non Regulated

Type of Entity: Company Limited By Shares

Date of Incorporation: 06 Feb 2018

Commercial License Validity Date: 05 Feb 2019

Directors:

Saad Haji Ali Shire

Bashe Awil Omar

Shareholders: Somaliland Ministry of Finance

Company Secretary: Abdirahman Hussain Abdalla

DNFBP:

No: Class of Issued Shares

Ordinary: Nominal Value of One Share

USD 1.000000

Amount of Authorised Share Capital

USD 5,000,000.00

Number of Issued Shares

50,000.000.000

Amount of Paid Up Share Capital

USD 50,000.00

DATA PROTECTION

Data Controller: Somaliland Investment Company Limited

DIFC Registered Number:2714

Permits required by Data Controller:

Notification of Personal Data operations: No

Permit to transfer Personal Data: No

Permit to Process Sensitive Personal Data: No

Xigasho: Hubaal Media:

Bandhige@gmail.com