Shirkadda ASAL oo madal la isku arkay ku soo bandhigtay buug uu qoray Prof. Maxamed Siciid Gees

 

Shariikadda daabacaadda ee ASAL ayaa xalay madal il-yartu is qabatay ku soo bandhigtay buug uu qoray wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Somaliland Prof. Maxamed Siciid Gees.

Buuggan oo sida madasha laga sheegay koobsaday maqaallo taxane ah oo Prof. Gees ku soo daabici jiray wargeysyada iyo mareegaha maxaliga ah waxa sidoo kale uu xambaarsan yahay taariikho cusub oo uu qoraagu goobjoog u ahaa.

Xafladda gardaadinta buuggan oo loogu wan-qalay Dharaaro Xusuustood waxa ka soo qayb-galay madax tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbul-Xaakimka Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Duqa Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Suldaanka Guud ee Somaliland ahna Suldaanka Guud ee Bariga Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Cali Shire, wasiirro xukuumadda ka socda iyo marti-sharaf kale oo door ah.

Qoraaga buugga ayaa ku dheeraaday sidii uu buuggu ku soo baxay waxaanu sheegay in ay qayb libaax ka qaateen dhallinyaro ka tirsan saraakiisha shariikadda ASAL oo ay uu ka mid yahay Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub iyo sidoo kale Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Waaxta Tiknoolojiga iyo Dhaqanka ee Wasaaradda Waxbarashada Xamda Maxamed Xuseen Cigaal.

Qoraa gees wuxu sheegay in isaga aqoontiisa dhabta ahi aanay ahayn qoraanimo laakiin uu ahaa ardaygii labaad ee shahaadadda labaad ku sameeyey cilmiga fisigiska isagoo carabaabay xayn ka mid ah liiska ardaydii ka aflaxday oo haatan bareyaal sare ka ah Maraykan iyo Yurub.

Prof. Gees

Qoraa gees wuxu sheegay in ay haatan u qabyo yihiin ugu yaraan laba buug oo kale oo uu mid ka hadlayo aasaar soo jireen ah oo Somaliland leedahay oo laga helay goob u dhaw Laasqoray.

Sida qoraagu tibaaxay daabacaadda buugga waxa kafaalo-qaadday shariikadda ASAL.

Isla xafladda dhexdeeda waxa lagu iibsaday buug aad u tiro badan, sidoo kale waxa si weyn loogu qadariyey qoraaga buugga oo lagu sifeeyey in uu yahay geesi wakhtigiisii soo siiyey nabadaynta iyo taabo-gelinta Somaliland.

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub ย oo ku hadlay afka shirkadda ASAL ayaa tibaaxay in aanay buuggan u daabicin faa’iido-doon, balse ay ujeeddada shirkadoodu tahay in ay ka qayb-qaataan dedaalka lagu kobcinayo akhriska iyo qoraalka iyo waliba weelaynta taariikhda.

Bahda Bandhige waxay hambalyo gaadhsiinayaan qoraaga buugga Prof. Maxamed Siciid Gees, shirkadda daabacaadda ee ASAL iyo cid kasta oo suurto-gelisay in buuggan taariikhiga ahi ifka u soo baxo.

Bandhige@gmail.com