Shirkadda Daabacaddaha SAGAL JET waxay u dabaal-degtay sannad-guuradii tobnaad

Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET, ayaa u dabbaaldegtay sannad-guuradadeeda 10-aad ee ka soo wareegta aasaaskeeda, waxana munaasibadda dabbaaldegga lagu qabtay Hoolka Green plaza ee magaalada Hargeysa.

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey dabbaaldegga sannad-guurada tobnaad ee aasaaska shirkadda SAGAL JET oo lagu qabtay hoolka shirarka Green Plaza ee Hargeysa, waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani I, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, qoraayo, ganacsato, hoggaanka iyo shaqaalaha shirkadda, aqoonyahan iyo boqolaal dadweyne marti sharaf ahaa.

Shakhsiyaad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada oo ka hadlay munaasibadda sannad-guurada 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska shirkadda SAGAL JET, ayaa isku raacay in ay shirkaddu guulo badan gaadhay, isla markaana jeexday jid guul horseeday oo ku dayasho mudan.

Ugu horrayn la-taliyaha khaaska ah ee shirkadda SAGAL JET Cabdiraxmaan Cali Xirsi, ayaa tilmaamay dariiqa guusha ah ee shirkaddu kaga mudhay ganacsiga, waxaannu xusay in talooyin dhaxal gal ah oo ay isweydaarsadeen isaga iyo hoggaanka shirkaddu udub-dhexaad u yihiin guulaha la gaadhay, isla markaana qorsheyaal iyo istaraatiijiyado wax ku ool ah oo la jeexay la raaco.

Maayeeraha guud ee Shirkada shirkaddda SAGAL JET Cabdi Yuusuf Aar, ayaa isaguna shaaca ka qaaday inay kaalin weyn ka qaateen doorka shaqo-abuurka dalka iyo weliba kor-u-qaadista bilicda magaalooyinka oo ay ku xidheen boodhadh iftiimiya oo indhuhu qabanayaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi:

“Waxa ugu weyn ee aanu qabanay ee aanu ku faani karnaa waa shaqo-abuur, maadaama dalkeena dhibta ugu weyn ee laga cawdaa tahay shaqo la’aan, dhallinyaradii dalku marka ay jaamacadaha kasoo baxaan sida ay shaqo ku helaan way adag tahay, laakiin shirkaddii aannu toban sanno ka hor ku bilownay shaqaalaha kooban oo tiradoodu ka yarayd tobanka qof, maanta waxa Ilaahay mahadii ah inay ka shaqeeyaan shaqaale ku dhaw 200 qof oo ka kala socda gobollada Somaliland oo dhan, waxa kale oo noo qabsoomay adeegga daabacaadda oo aan hore u jiri jirin gaadhsiinay dalka oo dhan oo toban sanno ka hor xildhibaanadii sharraxnaa wax loogu soo daabaci jiray waddamada dibadda.”

Waxa kaloo uu sharraxay waxyaabaha horseedka ah guulaha muuqda ee shirkadda SAGAL JET gaadhay, isagoo farta ku fiiqay kalsoonida ka dhex jirta saamileyda shirkadda iyo kartida shaqaaluhu kow ka yihiin:

“Dadka saamileyda ah ee shirkadda SAGAL JET lihi waxay ku dadaaleen oo ay muujiyeen isku kalsonaan, isla xisaabtan iyo inay si sharci ah wax u kala qortaan, waxaana ay taasi keentay in tobankaa sanno ee ay jirtay aannu hal mar dhexdooda wax muran ahi dhicin, shaqaalaha shirkadduna waa laf-dhabarta horumarka shirkadda oo aanay la’aantood wax badani hirgaleen, maadaama oo ay si hufan macaamiisha u siinayeen adeeg hufan oo wanaagsan, sidoo kale macaamiisha oo aannu u arkaynay saaxiibka kowaad ee shirkadda oo aannu ku faro adaygnay, ayaa qayb weyn ka ah horumarka shirkadda,”

Dhinaca kale Cabdi Yuusuf Aar isagoo ka hadlaya hiigsiga iyo hiraalka fog ee shirkadda SAGAL JET, waxa uu yidhi:

“Hiigsigayagu waa inaanu inta imika joogta iyo in ka badanba shaqo u abuurno oo aanu soo kordhino waxyaabaha ugu casrisan ee dhinaca daabacaadda oo aanu baahida dibadda ee daabacaadda oo dhan daboolno oo aanu gaadhsiino degmo kasta oo dalka kamid ah.”

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo kamid ah qoraayada ugu caansan geyiga ee buugaagtiisa ay shirkadda SAGAL  JET daabacday oo madasha ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda, waxana uu shaaciyey inay dabooleen dhibaatadii qoraayada haysatay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (cawil), kana mid ah bahda qoraalka ku hawllan, ayaa isaguna ka mahadnaqay doorka daabacadeed ee shirkadda SAGAL JET kusoo kordhisay dalka, waxana uu farta ku fiiqay in buug uu dhawaan qoray oo ay shirkaddu daabacday uu la dhacay hannaankii hufnaa ee ay u daabacday, isaga oo caddeeyey in adeegga daabacadeed ee SAGAL JET ka hufan yahay midka dibadaha loo aado.

Guddoomiyaha shirkadda TELESOM, Cabdikarim Maxamed Iid, Madaxa suuq-geynta ee shirkadda SOMCABLE, Gaax-nuug, Madaxa E-dahab Fu’aad Axmed Nuux iyo Xasan Xiis oo magaca shirkadda Dahabshiil ku hadlayyey oo iyaguna dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa shirkadda SAGAL JET uga mahadnaqay doorka firfircoon ee dhinaca daabacaadda dalka ay ka qaadatay iyo weliba sida ay u qurxisay bilicdii magaalada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay yihiin macaamiil ku qanacsan adeegga shirkaddu bixiso.

Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo afka macaamiisha ku hadashay, ayaa iyaduna ku dheeraatay sida qiimaha leh ee ay shirkadda SAGAL JET muhiimadda usiiso qancinta macaamiisheeda iyo soo dhaweyntoodaba, waxana ay sheegtay in hab-dhaqankoodu suurtogeliyey horumar la taaban karo sameeyaan.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna murraxa xisbiga. Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu sheegay in shirkada SAGAL JET ay qoreen buugaag badan qoreen oo qaranka taariikhdiisa iyo aqoontiisaba ah, waxna ka tareen kaydintii agoonta.

wax ka tareen, maadaama oo ay qoraalkii inoo kaydiyeen, waxa kale oo aan ku hambalyeynayaa in ay tahay shirkad dhallinyaro abuurtay oo firfircooni badani ka muuqato, waxaanan u rajaynayaa horumar iyo guul waarta”

Guddoomiye-yaasha xisbiyada UCID iyo Waddani Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey horumarka shirkadda SAGAL JET, waxana ay sheegeen in kartida iyo aqoonta ka muuqata guddoonka shirkaddu horseedayo inay muddo kooban ku gaadho horumar ballaadhan oo dalka oo dhan laga dareemayo.

Munaasibadda sanad-guurada 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii shirkadda SAGAL JET waxa soo af-meeray wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Cumar Shucayb, waxana uu shirkadda ku hambalyeeyey horumarka ay samaysay iyo sida hufan ee ay macaamiisheeda ugu adeegto.

Ugu dambayntii waxa abaalmarin iyo weliba shahaado-sharaf la guddoonsiiyey Saleebaan Axmed Cabdilaahi oo isaga loo gartay in uu yahay shakhsigii ugu firfircoonaa, uguna hawlkarnsanaa shaqaalaha shirkadda SAGAL JET, waxaana dadkii munaasibadda ku sugnaa tallaabadaas u arkayeen mid kaalin weyn ka qaadan karta dhiirrigelinta shaqaalaha shirkadda.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com