Shirkii golaha dhexe ee xisbiga wadani oo maanta ka furmay magaalada burco

shirkii 2aad ee golaha dhexeee xisbiga wadani ayaa maanta waxa uu ka furmay magaalada madaxda gobolka togdheer ee burco.
shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay in kabadan 300 oo ergoyin oo kamid ah xubnaha xisbiga ee golaha dhexe, iyo sidoo kale marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga wadani  Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madasha ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ah ” Maanta haddii la arkay hoggaankii kulmiye in ay ka dhalatay Xukumad liidata, haddii madaxweynuhu ururin waayay dadweynaha oo uu noqday firdhiye, haddii intii Kulmiye ee dooratay fartooda eedeen, intii aan doorana ay cadow u arkeen waxaan leeyahay mucaaradka yaynaan noqon kuwo ku kaalmeeya in dalku dumo.”

Guddoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isaguna madasha ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ah ” “Annigu ka baqi maayo cadaw dibedda inooga yimaadda waxyeeladiisa. Annigu waxaan arkaa arrimo cusub oo aynaan ku arki jirin madaxweynayaashii dalkan u kala dambeeyey.”Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people and crowdImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 9 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, textImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more peopleImage may contain: one or more peopleImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and shoesImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and shoesImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people