Shirweynihii ururka SOMHSO oo London lagu qabtay iyo baaq ku saabsan xaaladda cuduradda dhimirka Somaliland oo ergooyinkii shirku soo saareen

London-Bishan April 1-deedii waxa ka dhacey shir weyn oo lagaga hadlayey xaaladda dadka qaba xanuunadda dhimirka ee ku nool Somaliland. Shirkan oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Somaliland Mental Health Support Organization oo ka hawl gala Somaliland iyo dalka UK, waxaa ka soo qayb galay ergooyin badan oo ka kala yimid goboladda uu ka kooban yahay dalka UK. Shirka waxa furey oo soo dhaweeyey wufuudda guddoomiyaha guud ee ururka Naasir Ciise Geeljire. Sidaas oo kale waxaa ka soo qayb galay wakiilka Somaliland ee dalka UK marwo Ayaan Maxamuud Cashuur, Culimo ay ka mid yihiin Sh. Maxamuud Axmed Dalmar, Sh.C/qaadir Cali Cambe, dhakhaatiir iyo aqoonyahanno, iyo madaxda jaaliyadda Somaliland ee dalka UK.

Kulankan oo laga soo jeediyey warbixinno iyo cilmi baadhisyo ku saabsan xaaladda dadka dhimirka qaba ee Somaliland, waxqabadkii ururka ee sanadihii tagay iyo qorshaha labadda sano ee  soo socota, ayaa gabgabaddii shirka ergooyinkii shirku ka soo saareen baaq ku saabsan xoojinta daryeelka iyo taageeridda dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku nool Somaliland.

Shirweynuhu waxa uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda caafimaadka Somaliland isla markaana mudnaanta la siiyo daryeelka iyo daweynta dadka qaba xanuunadda dhimirka, lana soo saaro xeerarka lagama maarmaanka u ah daryeelka dadkaasi.

Baaqa shirka laga soo saaray qodobadda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  1. In xukumadda cusub ee Somaliland ay ahmiyad weyn siiso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha gaarka ah ee hor yaalla dadka la nool xanuunadda dhimirka
  2. In miisaaniyadda dawladda lagu daro sannad kasta qoondo lacageed oo lagu dhisaayo, kabaayo, horumarinaayo goobaha lagu xanaaneeyo dadka la nool xanuunnada dhimirka
  3. In wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ay muhiimad gaara siiso wax ka qabashada baahiyahaasi ay qabaan dadkaasi iyo in dib u eegis iyo dib u habbeynba lagu sameeyo siyaasadda caafimaadka dhimirka ee Jamhuuriyadda Somaliland ee heer qaran, isla markaana la soo saaro shuruucda kale ee muhiimka u ah daryeelka dadka la nool xanuunadda dhimirka
  4. In qeybaha bulshada sida ganacsatada, culima-awdiinka, iyo ururrada bulshada reer Somaliland ee waddankii joogaa ay taageeraan hawalaha ururka SOMHSO ee ka socda goboladda iyo degmooyinka Somaliland.
  5. In dhammaan ururrada jaaliyaddaha Somaliland ee ku kala nool Yurub, Markeykanka, Khaliijka iyo Ustareeliya ay taageeraan hawlaha ururka ee ah daryeelka iyo daweynta dadka qaba xanuunadda dhimirka.

Allah Mahad Leh