Sidee ayey Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland u maaraysay faysruska Corona?

Sidee ayey Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland u maaraysay faysruska Corona?

Tani iyo maalintii laga helay fayruska Corona, dalka Jayna. Waxa ay xukumaddu go’aamisay in dhammaan xuduudaha dalka laga soo galayo la geeyo  hawl- wadeenno dadka soo gelaya ka baadha Faysruska Corona. Waa tallaabadii ugu horreysay ee ay qaado.

Waxa uu madaxweynaha qaranku, Muuse Biixi Cabdi, magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban   shan wasiir oo ka kala socda shan wasaaradood oo muhiim ah.

Waxa ay dawladdu shalay  go’aamisay in la xidho goobaha waxbarashada. Waxa la hakiyey diyaaradihii iyo maraakiibtii dalka imanayey.

Wacyi gelin badan ayaa la sameeyey.

Waxa la sameeyey goob Xogta lagu soo uruuriyo

Runtii Waxa aan odhan karaa artintaa dawladda Jamhuuriyadda Somaliland si fiican ayey u maaraysay, si maduulnimo ah ayey u maaraysay dawladdu. Iyadoo shacabkeeda uga digaysa khatarta faysruska Corona.

Waxa aynu ka wanaagsan nahay dalal badan oo is dhigtay oo haddana la ictirafsan yahay.

Shacbiga reer Somaliland,  Waxa aan leeyahay aad ugu xidhnaada Wasaaradda caafimaadka oo si fiican u maqla wacyi gelinta ay shacabkeeda siinayso.

WQ: Siciid Cadnaan