Siyaasi Duur Iyo Xildhibaan Buuba Oo Ka Badbaaday Qorshe La Doonayay In Xisbiga Waddani Lagaga Saaro

Siyaasiga Maxamuud Nuur Caraale (Duur) iyo xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka badbaaday qorshe la doonayay in lagaga saaro xisbiga Waddani.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir ay Axadii yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani, wuxuu ku soo bandhigay in anshax marin lagu sameeyo labadaas siyaasi oo si weyn u taageeray baaqii uu Madaxweyne Biixi ka noqday ee uu hore ugu sheegay in la furayo ururada siyaasadda.

Ma jiro wax war ah oo kulankaas ka soo baxay oo rasmi ahi, Laakiin sida ay sheegeen warar saxaafadu baahisay xubno ka tirsan guddiga fulinta ayaa ka hor intii aan codka la qaadin waxa ay ka horyimaadeen qorshahaas, waxaanay xubno ka mid ahi ku doodeen in xisbiyada mucaaradku ay u baahanyihiin siyaasiyiinta, laakiin aanay u baahnayn siyaasiyiin laga saaro.

Waxaana sidaas ku baaqday qorshahaas la doonayay in xisbiga lagaga saaro labadaas siyaasi, iyadoo aan wax cod ah loo qaadin.

Xisbiga UCID ayaa laga saary laba siyaasi oo iyaguna taageeray furista ururada siyaasadda, kuwaas oo kala ahaa Maxamud Cali Ramaax iyo Maxamuud Cali Muuse (Jiir).

Xigasho: Geeska Afrika