Kadib markii uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Maraykanku ishor-istaagay qorsheyaal lagu xakamaynayo isticmaalka hubka ayaa waxa xarunta Baarlamaanka qabsaday oo degay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga kuwaas oo la dalbanaya in la horkeeno baarlamaanka sharci adag oo lagu xakameeyo isticmaalka hubka.
Dooda sharci isticmaalka hubka ayaa waxa soo noolaatay kadib markii uu nin u dhalasho ahaan kasoo jeeda Falastiin uu 49 qof ku dilay xarunta ay isku yimaadaan dadka qaniisiinta ahi.
Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Paul Ryan, ayaa lagu qeyliyay mar uu isku dayay in uu si caadi ah u wado hawlaha aqalka baarlamaanka.
Wali waxa soconaya guddaha Maraykanka dadaalada lagu doonayo in lagu xakameeyo iibsiga hubka iyo in uu hub u gacan dadka looga shakisan yahay argagaxisada.