“Somali Waxaanu Rabnaa Inaanu Horumarka ku Tartano Balse Ma Rabno Inaanu hub Ku Tartarno” Wasiir Sulayman Yusuf Koore

“Anagu hadaanu Nahay Xukuumada Somaliland Nabad baanu Haynaa,Wada Noolaansho Ayaanu Haynaa,Wada Ganacsi Baanu haynaa,Inay Somalidu isku Furnaato sida Soomaalida kale ee Kala maamulka Ahiba iskugu furan tahay,Jabuuti baanu wada noolahay,Kililka Shanaad baanu wada noolnahay,Somali Waxaanu Rabnaa inaanu Wada noolaano,iyadoo Aan Wax dhib ah iyo Cunfi Jirin “

 

“Qolada Waqtiga iskaga Qaadaysa Ama madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntlandna Waxaan Leeyahay oo welibana Ay Iga tahay Nasteexo inuu la yimaado wax waxaas Ka bedelan oo ah In Umadani Hesho Walaaltinimo,Is Ag Deganaansho Nabadi ku dheehan tahay,isla markaana Noqono Walaalo horumarka Ku tartama ee Aan hub ku tartamin “

 

“Dalkan Somaliland Xuduudkiisa Haba yaraatee ma jirto Cid loo Daba fadhiisanayaa,Hebelbaa soo Celinayana Cid ay Xikmad u samaynaysaa Ma jirto,Qarankanina Cir buu leeyahay,Dhul ayuu leeyahay,Ciidan ayuu Leeyahay Dadna waa Leeyahay,Markaa cid aanu ka Aqbalaynaa ma jirto Kelmadaha raga Qaarkii Kasoo baxaya,Cid aanu u daba fadhinaana ma jirto,Umaduna nabad ayay u Baahan tahay “

 

“Waar Deegaamada Had iyo goor la isku hayaa waa deegaamada aan Anigu kasoo Jeedo,Haba yaraatee Deegaamadaas muranka la gelinayaa Cid wax u tartay ma jirto waana la sheegtaa,dadka reer tukaraq shalay ayay hadlayeen,16 sano ayayna Puntland Gacanta ku hayeen,waxaanuna ugu tagnay qol La dhigan jiray lacagta giinbaarta oo aad hilible Moodo,Maantana haday biyo tahay,Caafimaad,waxbarasho iyo dhamaanba baahiyaha Aasaasiga ah intiiba isku mar ayaanu ka samaynay,Qolada Puntlandna Waxaan leeyahay waar sheegasho macno samayn maysee deegaanadiina idinkuna hagaajista Anana Aan deegaamadayada hagaajisano,oo aynu Walaalo noqono,wixii intaa Ka badana dee waad garanaysaan inaan Waxba lagu kala Qaadi karin” Wasiirka Horumarinta Biyaha JSL Saleebaan Yuusuf Cali Koore.