Somaliland: Kulan lagaga Hadlay Siyaasadda Ilaalinta Deegaanka Badda

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandareโ€™ ayaa daahfurtay kulan lagaga hadlayay siyaasada ilaalinta degaanka badda, waxaana kulankan oo daba socday kulamo hore ka qayb galay wasaaraddaha ay wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin, jaamacadaha, ururada bulshada, shirkadaha ka ganacsada kalluunka, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Marwo Shukri Baandare ayaa sheegtay inay mihiim tahay sidii tallada la isugu geynlahaa helitaanka siyaasad meelmara, oo lagu maamulo laguna soo saaro khayraadka badda.

Waxaaney tidhi โ€œSomaliland badeedu 850 kor ayay u dhaaftay waana xeeb dheer, isweydiintu waxa ay tahay xeebtaasi dheer ee aynu leenahay maka faaโ€™ideysana sidaynu uga faaโ€™ideysana? Maxaa caqabado ina hortaagan? Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah maka faaโ€™ideysana? Maya sababto siday tahay uma faaโ€™ideysano.

Adduunyada maanta khayraadka ayaa la isku dhaafay, beriga iyo ka bada, kii bariga waynu hayna, balse ka bada aynu xooga saarno, oo sharciga aynu maanta u fadhino aynu ku dhaqano, cidkasta oo sharciga ilaalinta badaha Somaliland qayb ka qaadatayna waanu u mahadcelinaynaaโ€

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com