Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay inay jiraan saddex kiis oo cusub isla markaana qaba xanuunka Covid-19 gudaha Somaliland.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay baadhay 24 xaaladood oo looga shikiyay xanuunka Covid-19, kadib baadhitaankaasina lagu ogaaday inay jiraan 3 xaaladood oo cusub oo ku sugan gudaha Somaliland, taas oo tirada guud ka dhigaysa 5 xaaladood.
Saddexda qof ee laga helay xanuunka ayaa Labba ka mid ahi ku suganyihiin caasimada Somaliland ee Hargaysa halka qof kalena uu ku saganyahay magaalada Boorama.
Bandhige@gmail.com