Somaliland: Tirada dad laga baadhay Covid-19 iyo natiijada kasoo baxday

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in xaaladda xannuunka covid-19 ee Somaliland aanay wax cusub ku soo kordhin tiradii la xaqiijiyey.

Agaasimaga guud oo ka hadlayey warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka coronavirus iyo waxa ka soo cusboonaada Somaliland ayaa sheegay in dadka ilaa hadda wasaaraddu xaqiijisay inay yihiin shan qof kuwaas oo xiligan xaaladooda caafimaad aad u wanagsan tahay.

Dr Maxamed Cabdi Xergeeye Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in xudduuda dalka laga hubiyay dad gaadhaya 2,752 qof kuwaas oo aan lagu arag wax xumad ah iyo calaamadaha xannuunka.

Agaasimaha ayaa sheegay inay wasaaradda caafimaadku diyaar u tahay ka hortagga iyo xaalad kasta oo ka soo korodha xannuunka covid-19 sidoo kalena la waddo wacyigelintii joogtada ahayd ee bulshada looga digayey cudurkaas.

Xigasho: Solna