Somaliland: Tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 ayaa gaadhay 87, dhimashaduna waxay gaadhay 8 qof

Somaliland: Tirada dadka laga helay xanuunka Covid-19 ayaa gaadhay 87, dhimashaduna waxay gaadhay 8 qof

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa Warbixinta Maalinlaha Ah Ka Warbixiyayay Xaalada Cudurka Coronavirus Iyo Caafimaadka Guud Ee Somaliland

Xaaladaha COVID-19 Somaliland ayaa u dhigan sidan:

 

Sagaal iyo tobanka qof (19) ee laga helay xanuunka 48kii saacadood ee u danbeeyey dhamaantood waa Somalilander, 11 qof waa rag, 8 qofna waa dumar.

 

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 20jir = 1 qof)

(20jir ilaa 30jir = 2 qof)

(30jir ilaa 40jir = 1 qof)

(40jir ilaa 50jir = 4 qof)

(50jir ilaa 60jir = 6 qof)

(60jir ilaa 70jir = 5 qof)

 

Bukaanadan waxa 13 degen yihiin Gobolka Maroodi Jeex – Hargeysa, halka 6 qofna degen yihiin Gobolka Awdal – Boorama.

 

Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay sideed (8)

 

Waxaa geeriyooday laba qof oo da’doodu ahayd 76jir iyo 52jir taasi oo ka dhigaysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland sideed (8).

 

Labada bukaanba ee geeriyooday xanuuna kale yaa u weheliyey xanuunka.

Halkan kala soco xogta Covid-19 ee Somaliland:http://www.somalilandcovid19.com.

Bandhige@gmail.com