Somaliland waa Raas Keliya Kursigana qof ayaa doonaya ee Qabiil ma doonayo.”Guddoomiye Samaale

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa sheegay in Somaliland ay tahay raas keliya oo ul iyo diir ah isla markaana aanu jirin qabiil kursi doonaya ama ku fadhiisanaya balse kursiga qof uu u tartamayo kuna guulaysanayo .

Waxaanu gudoomiye Samaale wax laga xumaado ku tiilaamay in rag dalka xilal ka soo qabtay oo imikana xilal sare u tartamaya oo ku jira ururada siyaasada iyo xisbiyada mucaaridu in ay dadka kala qaybiyaan oo ay bulshada naxli kala dhex dhigaan.

Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Kulmiye oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa aad ogtihiin dadka Ururada ka madaxda ah iyo Axsaabta oo ay ka soo yeedhayaan,hadallo naxli iyo isku dir iyo kala qoqob ah waa wax laga xumaado dad dalka xilal ka soo qabtay. imikana xilal ka sii waawayn doonaya.inay naxli iyo xumaan dadka kala dhex dhigaan Somaliland waa raas kaliya kursiga qof ayaa doonaya ee qabiil ma doonayo maxaa keenaya in qabiil la caayo.qofkaasi waxa uu ku olaleeyo ayuu leeyahay.waxa aan maqlayay nin ka hadlaya huteelada Somaliland huteelada noocaasa waxaas ayaa ka dhacay,qof masuula marka uu sidaa u hadlo maxaad dareemaysaa.waana ceeb hadalada dagaalka iyo naxliga huwan dadka Somaliland dad sidaa codka ku bixinaya maaha,digdig iyo xumaana waxba laguma qaadayo ee codka dadka ayaa wax lagu yahay,”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com