Waraysigan Xiisaha Badan Oo Iddaacadda (Rfi) Ee Dawladda Dalka Faransiisku Kala Yeelatay Khabiirka Robert Wiren Tartanka Wajiyo Badan Oo Geeska Afrika Uga Curtay Somaliland Iyo Jabuuti
Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cidhiidhi gelisay dalalka ku gobolka geeska Afrika, gaar ahaan dalalka Jabuuti iyo Eritrea, ka dib markii dalkan yar ee aan adduunka ka haysan aqoonsigu uu soo jiitay indhaha Maal-gashadayaasha Caalamka ay ay ugu horeeyaan Waddamada Carabtu.
Robert Wiren waa Khabiir, ka faallooda Arrimaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo Khilaafaadka Caalamka una dhashay dalka Faransiiska, ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacada Faransiiska laga leeyahay ee Radio France International, waxa uu si mug leh u sharraxay sida Somaliland oo ku taala goob istiraatiji ah ay durba cidhiidhi iyo culaysi u gelisay dalalka Jabuuti iyo Eritrea ooh ore Dekeddahooda maal gashi loogu sameeyey, isla markaana saldhigyo Millateri u siiyeen qaar ka mid ah dalalka caalamka
Khabiirkan, waxa uu xusay in ay maal gelinta Dekedda Berbera ay ku samaynayso Shirkadda DP World ay u horseedi doonto Somaliland in ay Dawladda ay jaarka yihiin ee Itoobiya ka maaranto Dekedda Jabuuti.
Waraysigan ay Idaacada Radio France International la yeelatay Khabiirka Robert Wiren oo Bahda Wargeyska Saxansaxo idin soo turjuntay waxa uu u dhacay sidan:
S: Dalka Jabuuti ma kula tahay inay ka samata bixi doonto tartan kaga yimaada dalka kale dhinaca Badda Hooseeya leh ee Magaalo Xeebeedka Dekedda Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland?
J: Waa mid hubaal ah inay taasi dhici doonto, waxaanay arrintani ku tiirsan tahay heshiiskii ay sannadkii hore wada galeen Somaliland iyo Shirkadda Dubai Ports World (DP World), kaasi oo maalgashi adduun ka badan $400 Milyan ilaa $500 Milyan oo dollar uu ku bixi doono, lacagtaas oo lagu casriyeyn doono Marsadda Berbera, iyad oo isla wakhtigaasi ay dalka Itoobiya heshiis kula saxeexatay Somaliland si ay Baddeecadaheeda dibedda uga yimaada 30%, wax ka badan uga la soo degto Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, adeegsiga Itoobiya ee Dekedda Berbera waxay macnaheedu naqonaysaa in aanay wixii ka bilawda marka la dhameystiro dhismaha iyo Casriyeynta Marsadda Berbera oo DP World gacanta ku hayso inay meesha ka bixi doonto in aanay Xajmi faro badan oo Alaabihii ay hore uga la soo degi jirtay Itoobiya Dekedda DJabuuti inay joojin doonto, waana xaqiiq inay tani si weyn hoos ugu dhig doonto Qiimihii adeegyadda ay dekedda Jabuuti wax ku soo dejin jirtay iyada oo haddaba ay jirto khasaare ay waajahayso wakhtigan dhaqaalaha Dekeddaasi”
S: Maal gashigan cusub ee Shirkadda DP World ay ku sameynayso Dekedda Berbera ma laga yaaba in uu daba socdo khilaafka xooggan ee dhexyaala shirkaddan iyo dalka Jabuuti ?
J: Xaqiiqdii ninka lagu eedeeyey dekedda Jabuuti wuxu ahaa muwaadin Jabuutiyaan Faransiis ah (haysta dhalasho Faransiis ah balse Asal ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti) ganacsade Cabdiraxmaan Boore, kaas oo ahaa saaxiib qadiimiya iyo nin ay si dhaw iskugu xidhanan jireen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, laakiin markii uu waxyaabo iyo qorsheyaal badan oo aan xaqiiqdii sharcigu u saamaxayn (Mr Boore) uu Madaxweyne Geelle ka raadiyey, Mr. Boorre si cad ayuu arrimaha uga hor yimid waanu u sheegay Madaxweynaha jabuuti, waxaanay taasi keentay cadhadii uu arrinta ka qaaday in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo ninka ganacsadaha ah kaga aarsanaaya filkii uu kala kulmay in uu ku eedeeyey arimo musuq maasuq iyo lacago uu ka qaatay Madaxda reer Dubai.
S: Hadda xaalka iyo muranka dalka Jabuuti iyo Shirkadda DP World muxu macnihiisu noqonayaa ayey kula tahay ?
J: Wuxu sido kale macnuhu noqonayaa inay meelo cayiman DP World ka maalgelin doonto (DJabuuti), meelahaasi oo ay marka horeba sii cayintay Dubai Ports World, kuwaas oo ah mid aan la fahmi karin.
S: Maanta waxa inoo muuqata Marsaddii DJabuuti oo sii luminaysa doorkeedii Badda Cas ee U Xuurtaysnaa, maxay tahay danta wakhtigan u muuqata dalka Itoobiya ?
J: Iyada Itoobiya, waxan oo dhan waxa uga muhiimsan tartan kasta oo ciddii doonta dhexyaala waa inay hoos u dhigaan Qiimaha cirka ah ee Waxyaabaha ay dekedda (Jabuuti) kala soo degi jirtay.
S: Halka Marka Aynu U Fahanay Inay Arrintani Keentay tartan Dhinaca Ganacsiga oo Dhex taala Somaliland Iyo Jabuuti, Laakiin Sido Kale Miyaanay aheyn Inay Iman Doonto Tartanka Ciyaar Kale oo ah Dhanka Dublamaasiyadda Maadama Oo Sido Kale aynu ka hadlayno Saldhig Millateri oo Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabtu ama Haddii aynu nidhaahnaba dubai ka Kiraysatay Somaliland ?
J: Haa dabcan, way jirta in ay xoogga heshiiskan dambe (Saldhigga Millateri ay dawladda Somaliland ka kiraysay dalka Imaaraadka) waxa uu noqday mid si layaab leh u daba geliyey heshiiskii Ganacsi ee Maal gelinta Dekedda Berbera, waana sababta imika laga yaaba inay in badani is weydiiso taas, hal qodob oo hadda bidhaamaya tilmaamaya mustaqbalka fog ah, inay dawladda Imaaraadku doonayso inay fasaxdo dalka Eritrea oo Dekedda ASSAP ay hadda gacanta ku hayaan, sababto ah waddanka Eritrea waxa haysta dhibaato xagga Qaramadda Midoobay oo cunaqabatayn ku saaray tacadiyadda bani’aadamka ee dalka ka jira.
Sido kale waxa jirta mushkiladaha iyo colaaddaha ka jira dalka Yemen, iyana waa qodob kale oo ciwaan u noqday go’aanka dalkan Carbeed ee Imaaraadku (Saldhigga Berbera ku Kiraystay), sido kale isla marka inay yimaadaan Berbera, sida laga yaabo sido kale waxa jirta fikrada ah in uu ku ilaashado mustaqbalka maal-gashiyadda ay Dubai doonayso inay Somaliland ku maal-gashato, taas oo iyaduna horeba xidhiidh u la sii laheyd inay arrintani la xidhiidho in uu Imaaraadka jiray qorshe uu xudduudihiisa kaga difaacanaayo inay u soo gudbaan kooxaha mayalka adag ee sida Al-Shabaab oo uu ka cabsi qabay inay Bariga Afrika gaar ahaan waqooyiga Somalia oo ah hadda Jamhuuriyadda Somaliland inay soo maraan kooxahaasi, dhinaca kale waxa jirta xaqiiqo kale oo ah inay Somaliland baahi u qabto oo ah inay dhib ka haysato ilaalinta Xeebaheeda dhinaca Badda oo dhererkeedu yahay 850KM oo Gacanka Cadmeed ah.
S: Bal ka waran Budhcad baddeeda iyada ma lagu la dagaalami doona ?
J; Halkan (Saldhigga Berbera) ayaa lagu la dagaalamayaa
S: Ma odhan karaa si la mid ah inay bilaabantay Koboca dhanka Millatariga ee Gacanka Bab el-Mandeb ?
J: Haa waa mid aan su’aal la gelin Karin taasi, maadama oo aynu ka war hayno doorka Boqortooyadad Sucuudiga ee joogitaankooda isticimaalka Dekedda ASSAB ee oo ku taala Koonfurta dalka Eritrea, waxaynu sido kale ognahay inay dalalka reer Galbeedka iyo Waddanka Shiinuhu Fadhiismo saldhigyo Millateri ku leeyihiin dalka DJabuuti, dabadeedna imika waxaynu warkeeda haynaa inay waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee (AEU) Saldhig Ciidanka Badda ah ka sameysatay Somaliland, waana goob (Berbera/Somaliland) noqotay mid muhiimad aad u weyn leh, xaqiiqadii sababtuna waa iyada oo (Berberi) ku taala bog-Cad Istaraatajig u ah, Gacanka Bab el-Mandeb, Badda Cas, Qaniyadda Soo saarista Shiddalka iyo marin uu In Shixnadda Koontiinaradda waddanka Shiinuhu wax u sii marin karo dalalka Reer Yurub”
Xigasho: Wargeyska Saxansaxo
Turjumaadii: Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil