Somaliland: “Xisbiyadda Mucaaridku Danta Umadda Ma Wadaan Ee Kursiga ayuun Baa u Muuqda”

“Waa Dambi In Guddoomiye Cirro Yidhaahdo Goleyaasha Baarlamaanka Ha La kala Diro, dib u dhaca doorashadana waxa sababtay Xeerkii Guddoomiyuhu wax ka bedalay”

Xildhibaan Mahdi C/laahi Maxamuud, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda ee laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka in aanay ka fikirin sida danta umadda reer Somaliland ay ku jirto, hase yeeshee ay u muuqdaan kuwo danta keliya ee ay leeyihiin ay tahay hamuunta kursiga madaxtinimo.

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay guud ahaanba shacabka in ay ilaashadaan nabadgeliyadoodda isla markaana ay ku baraarugsanaadaan waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya ee ay nabadgeliyo daradu geyaysiisay.

Xildhibaan Mahdi, oo shalay magaaladda Hargasya ugu waramay wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in beelaha gobolka Awdal ay si buuxda u taageersan yihiin xukuumadda tallada haysa iyo xisbiga Kulmiye.

“Shacabka Somaliland waxaan leeyahay xisbiyadda mucaaradku danta umadda ma wadaan, ee kursiga ayuun baa u muuqda, weliba beesha dhexe waa in ay ku xisaabtantaa wixii shalay soo maray ee dhibaato ahaa. waa inay ilaashadaan nabad-gelyadooda oo ay ku xisaabtamaan waxa Soomaaliya ka jira ee nabadgelyo darro ah. Waxaanan leeyahay nabadgelyadeenNa aynu ilaashanno,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaan Mahdi waxa kale oo uu sheegay in shacabka gobolka Awdal ay taageersan yihiin xukuumadda Kulmiye, oo ay ku majeerteen wax-qabadka ay dalka ka fulisay, hase yeeshee dadka qaarkood aanay waxyaabahaasi u muuqan oo ay markasta dhaleeceeyaan xukuumadda, waxaannu yidhi “Shacabka gobolka Awdal waxa ay taageersan yihiin xisbiga Kulmiye oo wax badan ka qabtay dalka. Waxaa tusaale u ah wasaaradihii wada Dun-dumooyinka iyo dergadaha ahaa waa kuwaa ka dhigay fooqyo. waxaanan qabaa in wax badan ay qabteen xukuumadda Kulmiye, laakiin dadka qaar kama garaabayaan, waxa uu qabtay xisbigaasi eedayn iyo dhaleecayn ayuun baa loo jeedinayaa”.

Dhinaca kale xildhibaan Mahdi waxa uu sheegay in dib u dhaca ku yimid doorashadda ay keentay hirgelin la’aanta diiwaangelinta madaniga iyo ta codbixiyeyaasha, kuwaasi oo uu sheegay in xukuumaddu dhinaceeda ay fulisay wixii kaga xidhnaa qabashadda doorashooyinka madaxtooyadda iyo ta golaha Wakiiladda.

Balse aanu weli waxba ka qaban golaha Wakiiladda ee uu Cirro guddoomiyaha shuruucdii lagu hirgelin lahaa golaha wakiiladda oo uu guddoomiye ka yahay C/raxmaan Cirro, isla markaana ah guddoomiyaha Waddani.

“Xisbiyadda mucaaridka ee xukuumadda ku eedaynaya in ay dib u dhigtay doorashooyinka, waxaan leeyahay waa waxba kama jiraan. sababtu waxay tahay waxaa la samaynayaa diiwaangelintii Madaniga ah iyo ta codbixiyeyaasha, taasi ayaana dib u dhaca doorashooyinka keentay.
Wixii xukuumadda kaga aadanaa doorashooyinkana way fulisay, waxa kale oo dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda keenay, waa tii muddo badan laysku haystay xeerkii diiwaangelinta iyo codbixiyeyaasha oo markii uu golahayaga ka gudbay, ayaa wax laga bedelay xeerkaasi. Taasina waxay keentay in labo bilood laysku haysto dib u dhaca doorashooyinku halkaas ayuu ka yimid,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Mahdi, waxa uu tilmaamay in golaha Wakiiladda ay bedeli karaan oo keliya gole la soo doortay, isagoo dambi ku tilmaamay hadalkii Guddoomiye Cirro ee ahaa in la kala diro golaha Wakiiladda marka la gaadho 26 June ee sannadkan. “Waxa uu dastuurku dhigayaa golaha Wakiiladda waxaa bedeli kara uun gole la soo doortay oo dastuuriya. waana dambi uu goleyaasha ka galay Guddoomiye Cirro goleyaasha uu leeyahay ha la kala diro” ayuu yidhi xildhibaan Mahdi.